Ergada ku howlan maamulka 6da gobal oo war cusub uu ka soo yeeray maanta

Baydhabo (Caasimada Online) Odayaasha ku howlan dhismaha maamulka gobaleed ka kooban lix gobal, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aaney aqoonsaneen maadama aysan wax taakuleen ah siin muddada uu shirka ka socday xarunta ADC-da ee magaalada Baydhabo.

Malaakh Xasan Shuuriye oo ka mid ah ergada ku howlan dhismaha maamulka cusub ayaa warbaahinta u sheegay in dowladda Markii horre ay iyaga rabeen balse markii ay arkeen dowladda in aan u soo jeedin in ay ka tashteen oo ay hadda isku filan yihiin siidda uu yiri.

“Annaga dowladda waan rabnaa maxaa yeelay anniga ayaa soo dhisnay, laakin markii aan aragnay in aaney noo soo jeedin oo Kiilo Bariis ah ama Shood Masago aaney na siin”

Wuxuu sheegay haddii dowladda aaney rabin in maamulka cuusb aqoonsato ay iyagana ka tashan doonaan sidda uu hadalka u dhigay.

“Wasiirka arrimaha gudaha oo daraad noo yimid, wuxuu na dhahay idiinma baahni, annagana uma baahnin, dowladda la sheegayo waana isku tashanay” ayuu yiri Malaakh Xasan Shuuriye.

Wuxuu kaloo sheegay Malaakha in maalintii shaley qudbadahooda ay jeediyeen lixda musharrixiin ee u taagan doorashada madaxweynaha maamulka lixda gobal.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in maalinta berri ah ay dooran doonaan madaxweynaha hoggaamin doona maamul gobaleedka Koonfur Galbeed ee lixda gobal ka kooban.

Magaalada waxaa maalintii labaad ku sugan wafdi wasiirro ah oo ka socda xukuumada Soomaaliya kuwaasoo ku howlan in la isku keeno shirarka is khilaafsan ee ka socda Baydhabo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdish

Caasimada@live.com