Warbixin & Sawirro: Muxuu R/W C/Weli ka doonay dalka Imaaraadka Carabta?

Muqdisho (Caasimada Online) Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa gaaray magaalada Dubai ee dalka Isku taga imaaraadka carabta.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya Wasiirka Gaashaandhiga Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo saraakiil ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisal wasaaraha iyo wafdigga ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay madax sare sare oo ka tirsan boqortooyada Isutaga Imaaraadka Carabta iyo sidoo kale safiirka Soomaaliya u fadhiya Abu Dhabi Amb. Cabdiqaadir Sheekhey.

1798511_796251623737436_129650098_nBooqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxay qaadan doontaa muddo saddex cisho ah, wuxuuna la kulmi doonaa madaxda ugu sareysa dalkan, wuxuuna kala hadli doonaa iskaashiga labada dal, gaar ahaana dhinacyada siyaasada, Dib u dhiska Garsoorka, Amniga iyo xasilinta iyo ka qeyb qaadashada dib u dhiska dalka.

Waa safarkii labaad ee ra’iisal wasaaraha Soomaaliya uu ugu ambabaxo dibedda tan iyo markii la doortay sannadkii horre.

1

tlis40

tlis43

tlis42

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com