Guddiga doorashada maamulka 3-da Gobal oo maanta lagu dhawaaqay

Baydhabo (Caasimada Online) Magaalada Baydhabo waxaa maanta lagu soo bandhigay guddigga doorashada maamul u sameynta seddaxda gobal ee loo sameenaayo Koonfur Galbeed ee dalka.

Kulan ka dhacay Hotel Bakiin oo ku yaalla duleedka Bari ee magaalada Baydhabo, ayaa lagu doortay 11-xubnood kuwaasoo ah guddiga doorashada maamulka seddaxda gobal ka kooban, isla goobta lagu ansixiyay.

Waxaa la sheegay in wixii maanta ka dambeeya ay u fasaxan yihiin guddiga doorashada in ay qabteen araaji qabashada musharrixiinta u taagan doorashada oo mardhow la qaban doono.

Dhinaca kale, wafdi wasiirro ah oo ka socday xukuumada Soomaaliya oo gaaray Baydhabo ayaa maanta kulamo la qaatay ergooyinka ku shirsan xarunta ADC-da oo ku taalla duleedka Koonfureed Baydhabo, waxaana ay ka dhaadhicinayaan in shirkaas la baabiyo ergooyinkana lagu soo biiriyo kan socda Hotel Bakiin sidda uu soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Baydhabo.

Magaalada waxaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaq ay wadaan musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka seddaxda gobal ka kooban.

Musharrixiinta u taagan waxaa ka mid ah Guddoomiyihii horre ee baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, Labo xildhibaan oo horre uga tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya oo midi ay tahay haweeney.

Dhinaca kale, dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in mowqifkeeda ku aadan shirka iska soo horjeedo ee ka socda Baydhabo ayaa shaacin doonta maamaha soo socoda, waxaan aay taageersan tahay dowladda sidda ay lee ilo ku dhowdhow shirka maamulka u sameynta seddaxda gobal.

Magaalada waxaa lagu arkayaa sawirrada ay lee yihiin musharrixiinta u taagan xilalka maamulka ka kooban seddaxda gobal iyo kan ka kooban lixda gobal.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com