Kulan lagu taageerayo guddoomiyaha cusub ee G/Banaadir oo ka socda…

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa iminka ka socda kulan ay ka qaybgalayaan xildhibaanno, wasiirro, saraakiil ciidan iyo siyaasiyiin kaasoo lagu taageerayo guddoomiyaha cusub ee gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Gen Xasan Maxamuud Xuseen (Mun-Gaab).

Kulanka oo ka socda Hotel City Plaza oo ku yaalla degmada Cabdicasiis, waxaa kaloo ku sugan guddoomiyihii horre ee gobalka Banaadir Maxamed Axmed Nuur (Tarsan) iyo guddoomiyaha cusub sidda uu ku soo warramayo wariyaha Caasimada Online ee Muqdisho.

Waxaa kulanka lagu soo bandhiggi doonaa wax yaabihii uu qabtay guddoomiyihii horre ee gobalka Banaadir Tarsan sidda uu lee yahay wariyaha halkaas noo jooga.

Gen Mungaab ayaa dhawaan wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha loogu magacaabay guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho.

Warkan oo faah-faahsan kala soco Shabakadda Caasimada Online haddii Weynuhu saamaxo.