C/kariin Guuleed oo xabsi guri geliyey taliyaha & taliye-xigeenka Boliska ee..

Muqdisho (Caasimada Online) – Wareegto ka soo baxday Wasiirka Amniga Qaranka, C/kariim Xuseen Guuleed ayaa lagu amray in Taliyaha iyo Taliye-xigeenka Saldhigga Boliska ee Dekedda magaalladda Muqdisho, Maxamed Cabdi Eebow iyo Maxamed Ibraahim Xayle lagu hayo xabsi guri, kadib, markii ay u diideen Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Somalia, Bashiir Axmed Jaamac “Bashiir Goobe” inuu gudaha Dekedda la galo labo Tekniko iyo ciiddamo ilaalo u ahayd.

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Somalia, Bashiir Axmed Jaamac “Bashiir Goobe” markii loo sheegay inay mamnuuc tahay in Tekniko iyo ciiddan lala galo Dekedda Muqdisho, ayaa waxa uu Khadka Telefoonka kula xiriiray Taliyaha Ciiddanka Boliska Soomaaliyeed, Jeneral Daahir Saciid Saacid oo uu u faahfaahiyey in loo diiday inuu Dekedda la galo ciiddan.

Jeneral Saacid waxa uu u sheegay inay Taliyaha iyo Taliye-xigeenka Boliska dekedda Muqdisho hawshooda gudanayaan, isla markaana uusan faragelin Karin.

Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, Bashiir Goobe, waxa uu mar kale khadka kula xiriiray Wasiirka Amniga Qaranka, C/kariim Xuseen Guuleed, oo uu u sharxay arrintii, kadibna Wasiirku waxa uu soo saaray Wareegto amrayso in Taliyaha iyo Taliye-xigeenka Boliska Dekedda Muqdisho lagu soo rogay Xabsi Guri.

Nuqul ka md ah Wareegtadaasi oo ayaa waxay sumadeedu ahayd WAQ/XW/0037/14 soona baxday bishii Feberaayo 23-dii ee sannadkan ayaa waxa uu Wasiirku ku amray in Taliyaha iyo Taliye-xigeenka Saldhigga Boliska ee Dekedda Muqdisho lagu hayo Xabsi guri “House arrest”.

Wasiirka waxa uu wareegtadisa u adeegsaday hadal ku adag Sharuucda Ciiddamadda , isagoo xusay inay Labadaasi Sarkaal u baahan yihiin waxa uu ugu yeeray EDBIN.

Garyaqaanadda iyo Khubaradda Ciiddamadda ayaa sheegay in amarka Wasiirka ka hor imaanayo Sharuucda Ciiddanka Boliska iyo Dastuurka Qaranka.

Wasiirka Amniga Qaranka xaq uma laha inuu Taliyaha Boliska ee hoos yimaada Wasaaradaasi ka tallaabsado oo uu isagu si toos ah Xukun ugu soo rido Taliyaha iyo Taliye-xigeenka Boliska Dekedda Muqdisho, oo iyagu sharci ku taagan.

Si kastaba ha ahaatee, Faragelinta noocaasi ee ay Wasiiradda ku kacaan ayaa waxay qeyb ka tahay waxyaabaha niyad jebinayo Ciiddamadda Qaranka, isla markaana wax u dhimanayo dadaalka lagu doonayo soo-celinta Nabadda Somalia.

Idaacadda Dalsan