Tarsan oo sheegay in xil ka qaadistiisa lagu raali geliyay dowladda ETHIOPIA

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyahii xilka laga qaaday ee gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa markii ugu horeeysay sheegay in xilka qaadistiisa lagu raaligeliyay Dowladda Ethiopia kadib markii ay ka caroodeen qadiyadiisa Somalinimada.

“Amarka xilka qaadisteeyda wuxuu ka soo baxay Addis Ababa,waxaana Muqdisho keenay Jeneral Gabre, aniga talaado ayaan xilka wareejin doonaa laakiin waxaa ii muuqato in talada Dalka Somalia gacanta u gashay Dowlado shisheeye gaar ahaan Xukumadda Ethiopia” ayuu yiri Gudoomiyahii hore ee Gobolka Banaadir.

Sababaha Ethiopia in xilka laga qaado u jeclaatay ayuu ku sifeeyay laba arrimood,wuxuuna yiri ” Ethiopia waxay ka carootay hadaladii aan Warbaahinta mariyay ee la xiriiray inay Xabashida dalkeena xoog ku soo galeen, kana geysteen xasuuq, qodobka labaadna wuxuu yahay waxay arkaan in Caasimadii dalka dhisantay oo bilicdii soo laabatay sidaas darteed ayey Madaxweynaha cadaadis ku saareen inuu xilka qaadis igu sameeyo,isagana waa aqbalay”.

Mudane Tarsan oo ka mid ahaan jiray dadkii qaban qaabin jiray dibadbaxyadii looga soo horjeeday gumeeysiga Ethiopia intii u dhaxeysay 2007-2009 wuxuu tilmaamay in kooxda Damu jadiid wado qorshe ay dhamaan degmooyinka Muqdisho ugu dhiibayaan dhalinyaro ka tirsan oo dhamaantood ka wada baxay Machad-ka Simad.

“Xilka qaadista kaligeey kuma koobnaan doonto,waxaan ogahay in dhamaan Gudoomiyeyaasha degmooyinka gaar ahaan kuwa waxqabadka muujiyay sida Deeqa Cabduqadir laga qaadi doono xilka, waxaana degmooyinka oo dhan madax looga dhigayaa dhalinyaro ka baxday Machad-ka Simad oo ka tirsan Damu jadiid” ayuu yiri Gudoomiye Tarsan oo xalay Tel Conference kula hadlay taageerayaashiisa.

Qofkii raba inuu xil ka qabto Somalia wuxuu ku qasban yahay inuu Ethiopia u noqdo hayiin ama basaas, waxayna arrintaan sawir xun ka bixineysaa sidii Qaranimada Somalia god ugu dhacday.

Ciidamadii Melleteriga Ethiopia ee xooga looga saaray dalka Somalia ayuu Madaxweyne Xasan ogolaanshiyo u siiyay inay dalkeena ku soo laaban karaan hasse yeeshee nasiibdaro kumanaankii kun ee lagu xasuuqay Muqdisho waxaa lagu hilmaamay afar sano.

Sida muuqato waxaa Somalida laga xukumi doonaa Addis-Ababa ,wuxuuna dalweynaha Somalia noqon doonaa maamul goboleedya dhamaantood ku dhisan beelo kuwaas oo siyaasadooda laga hago Ethiopia.waana arrin halis badan hadii aysan Somalida si wadajira u fahmin hagardaamada gumeeysiga la damacsan yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com