Xog dheeraad ah oo ku saabsan wafdi wasiirro ah oo gaaray Baydhabo

Baydhabo (Caasimada Online) Sidda wararkeenii horre aad kala socoteen boggeenna, waxaa magaalada Baydhabo maanta gaaray wafdi wasiirro ah oo ka socda xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Wafdiga ayaa markii ay gaareen Baydhabo waxa ay kulamo la qaateen ergada ku howlan shirar iska soo horjeeda oo looga hadlayo maamul u sameynta gobollada koonfur-galbeed Soomaaliya.

Si dhab ah looma wax yaabaha ay ka hadleen wafdiga dowladda iyo ergada ku howlan labada maamul. balse ilo xog ogaal ah ayaa noo sheegay in la isku maan dhaafay qoddobada looga hadlay kulan gaar ahaan kii ka dhacay xarunta ADC-da.

Ujeeddada socdaalkooda ayaa lagu sheegay sidii ay hal meel isugu keeni lahaayeen ergooyinka kala taageersan shirarka iska soo horjeeda ee ka socda Baydhabo, isla markaana loo dhisi lahaa hal maamul.

Labo shir oo mid la doonayo in maamul loogu dhiso lix gobol iyo mid kale oo la rabo in maamul loogu dhiso saddex gobol ayaa ka socda magaalada Baydhabo.

Wasiirka xannaanada xoolaha, Saalim Caliyow Ibrow ayaa hoggaaminaya wafdiga wasiirrada ee gaaray Baydhabo, waxaana la sheegay in muddo seddax cisho ay sii joogi doonaan magaalada Baydhabo.

Dhinaca kale, warar ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaya in maalinta Isniinta ah ee soo socota la qaban doono doorashada maamulka lixda gobal loo sameenaayo iyadoo ay u taagan doorashada lix musharrax.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com