Faah-Faahin: Qarax khasaaro geestay oo maanta ka dhacay Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) Inta la ogyahay afar qof ayaa ku dhimmatay qarrax miino oo maanta duhurkii  ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Qarraxa ayaa la sheegay in lala eegtay baabuur uu lahaa taliyaha ciidamada ammaanka maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Ibraahim (Niiniile).

Dadka ku dhintay qarraxa waxaa ku jirra askar ka tirsanaa kuwii la socday gaarriga sidda uu soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Kismaayo.

Qarraxa ayaa ka dhacay meel ku dhow Isbitaalka Guud ee Kismaayo, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba.

Howgallo laga sameeyay xaafada uu qarraxa ka dhacay oo Calanleey ayaa lagu soo qabqabtay dhowr qof oo u badan dhallinyaro kuwaasoo hadda ku jirra xabsiga magaalada.

Waa qarrixii seddaxaad oo muddo bil ah ka dhaca magaalada Kismaayo, iyadoo maamulka KMG ah ee Jubba uu sheegay in uu wax ka qaban doono falalka ammaan darida ee ka dhaca magaalada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com