Wafdi Wasiiro ah oo gaaray Baydhabo

Baydhabo (Caasimada Online) Wariye ka tirsan Caasimada Online oo ku sugan Baydhabo ayaa soo sheegay in magaalada ay gaareen in ka badan 10 wasiir oo ka tirsan xukuumada Soomaaliya.

Wasiiradan oo ah 11 ayaa waxa ay isugu jiraan wasiiro, wasiir ku-xigeeno iyo wasiiro dowlayaal, waxaana dhammaantood ay ka soo jeedaa gobalada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Wasiiradan oo uu hoggaaminaayo Aadan Saran-Soor waxa ay si toos ah u tageen xarunta ADC-da oo uu ka socdo shirka looga arrinsanaayo maamul gobaleed ka kooban lix gobal.

Wuxuu u sheegay ergada ka qaybgalaya shirkaas oo ka kooban 400 in ay ku biiraan shirka ka socda Hotel Bakiin oo looga arrinsanaayo maamul ka kooban seddax gobal oo ay dowladda taageesan tahay.

Aadan Saran-Soor ayaa sheegay in xilligan maamul ka kooban lix gobal aaney suuragal ahayn isla markaana loo baahan yahay in la mideeyo labada shir.

Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa ka walaacsan shirarka iska soo hor jeeda ee ka socda magaalada Baydhabo.

Ilaa hadda kulanka ayaa socda, waxaana akhristayaasha la socda Caasimada Online u soo gudbineynaa warar dheeraad ah oo ku saabsan socdaalka wasiirada maanta gaaray Baydhabo In shaa allah.