HRW oo madaxweyne Xasan Sheikh farriin kasii hor dhigtay Brussels (Aqri)

Nairobi (Caasimada Online) Hey’adda ilaalisa xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in midowga Yurub ay u gudbiyeen codsi ah in madaxweynaha ay ka codsadaan sii deynta afaro qof oo uu ku jiro wariye oo u xiran dowladda.

Hadalka HRW ayaa lagu soo beegay iyadoo madaxweynaha Soomaaliya uu hadda booqasho rasmi ah ku joogo xarunta midowga Yurub ee Brussels.

Daniel Bekele waa aggaasimaha guud ee HRW , wuxuu sheegay in midowga yurub gaar ahaan kuwa deeq bixiyaasha ay u sheegeen madaxweynaha Soomaaliya in mudnaan lee yihiin wariyaasha iyo dadka lagu xadgubo.

Wuxuu kaloo yiri “Saraakiisha midowga yurub waa in ay hordhigaan dowladda Soomaaliya sida loo baahan yahay in ay ilaaliso xuquuqda aadanaha iyo shariga, waana in hoos lagalin dad raba in ay soo bandhigaan kiisaska kufsia.”

HRW ayaa ka codsatay midowga yurub in dowladda lagu tartarsiiyo siddii loo sii deen lahaa wariye Cabdi Casiis Cabdi Nuur oo loo heesto wareysi uu la yeeshay haweeney sheegtay in ay kufsadeen askar katirsan dowladda sannadkii hore 2012-ka.

Wariyaha ayaa waxa kaloo lala soo xiray afar qof oo kale oo ay ku jirto haweeneyda sheegtay in la kufsaday, in kastoo la sii daayay haddana waxaa xiran ninkii qabay.

Wariyaha xiran ayaa la sheegay in uusan sii deen wareesiga uu la yeeshay haweeneyda dhibanaha, laakin waxa booliska Soomaaliya ay lee yihiin warbixinta waxa ay ka baxday TV-ga Al Jazeera.

Afarta qof oo uu ku jiro wariye Cabdi Casiis waxa ay ku xiran yihiin xabsiga dhexe halkaasoo ay maxkamad ku sugayaan.

“Midowga Yurub waddamada deeqaha siiyay booliska Soomaaliya waxa looga baahan yahay in ay kala cadeeso dowladda in aysan qayb ka ahayn caddaalad darida ,”sidaas waxaa yiri Bekele.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi