Hub ay bixisay hay’adda CIA-da Mareykanka oo lagu dilay 22 qof oo Soomaali ah

Boosaaso (Caasimada Online) – Ugu yaraan 22 qof oo ay ku jiraan laba caruur ah ayaa lagu dilay tobaneeyo kalena waa lagu dhaawacay hub ay bixisay hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA oo loo qeybiyey ciidan la-dagaalama argagixisada oo ka dhisan Soomaaliya. 

Dagaalka ayaa ku saabsanaa cidda maamuleysa hubkaas, waxaa sidaas baaritaan ay sameysay ku ogaatay warbaahinta VICE World News ee Mareykanka.

Dagaalka oo dhacay sanadkii tegay ayaa dhex-maray askar ka wada tirsan ciidanka PSF ee Puntland oo ay abuurtay CIA-da, islamarkaana ay tababareen ciidanka Navy SEALS. 

Dadka dhintay ayaa waxaa ka jiray caruur uu dhalay nin la magacaabo Saciid Shidow oo da’doodu aheyd 8 iyo 12 jir, nin kale oo uu dhalay oo 35 jir ahaa, waxaana ku dhaawacmay afar kale oo da’doodu aheyd 6, 8, 9, iyo 13 jir, markii hoobiye uu ku dhacay gurigooda magaalada Boosaaso. 

Sida ay shaacisay VICE, markii madaxweyne Trump uu ciidanka Mareykanka ka saaray Soomaaliya horaaantii 2021, waxay ka tageen hub badan oo ay ku jiraan hoobiyeyaal, qoryaha AK-47 iyo rasaas.

Ciidanka PSF oo isku qabsaday maamulka xarun ku taalla Boosaaso iyo hubkii laga tegay, ayaa qeyb ka mid ah waxay la safnaayeen madaxweynaha Puntland Saciid Deni, halka qeybta kalena ay la jireen Maxamuud Diyaano. 

In kasta oo xiisaddaas la qaboojiyey, haddana cilmi-baare Soomaali ah oo la hadlay VICE, balse codsaday inaan la magacaabin ayaa rumeysan in dagaalka uu mar kale dib u qarxi karo. 

Waxa uu sheegay in qoyska Diyaano iyo maamulka Puntland ay labaduba sheeganayaan PSF iyo hubka Mareykanka uu ka tegay, islamarkaana xiisaddaas aan weli xal buuxa laga gaarin.

Hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA ayaa dhismaha ciidanka PSF billowday 2002, waxaana kadib tababarkooda la wareegay ciidanka Navy SEALS ee ah xulka ciidamada Mareykanka. 

Mareykanka ayaa markii ay ciidankan abuureen waxay awoodda siiyeen qoyska reer Diyaano. Waxaa markii hore ciidanka hogaaminayey Cusmaan Cabdullaahi Diyaano, kadibna waxaa kala wareegay wiilashiisa. 2018-kii ayaa Maxamuud Diyaano wuxuu hoggaanka PSF ka beddelay Asad Diyaano. Sidoo kale hooyadood ayaa aheyd madaxa mashruucyada iyo sahayda PSF.

Markii Mareykanka ay Soomaaliya ka baxeen Janaayo 2021, madaxweyne Deni ayaa bilo kadib xilka ka qaaday agaasime Maxamuud Diyaano, balse agaasimaha ayaa ku gacan sayray, isaga oo sheegay in qoyskiisa ay leeyihiin PSF.

Kadib ciidanka ayaa u kala baxay kuwa taageersan Diyaano iyo kuwa raacsan Deni, halkaasi oo dagaal culus uu ka qarxay.

“Waxay u maleeyeen welina u haystaan in PSF ay ayaga leeyihiin, taasina waa dhibaato weyn,” ayuu yiri taxliiliye la hadlay VICE.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa (AFRICOM) ayaa mar wax laga weydiiyey beenin in hubkooda uu ku jiro gacanta PSF, balse waxay sheegeen inaysan wax lug ah ku laheyn wixii dhacay.

“Ciidamada Mareykanka kuma lug laheyn wax howlgal militari ah oo dhacay December 2021, sidoo kalena ma jiraan wax sheegashooyin khasaare shacab ah oo nasoo gaaray,” ayuu yiri wakiil u hadlay AFRICOM.

Dowladda Puntland iy saraakiisha PSF ayaa diiday inay ka jawaabaan codsiyo loo diray oo la xiriira dagaalkan.