Hub badan oo la soo galiyey MUQDISHO – Maxay kala socotaa DF Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay howl-gal qorsheysan ka sameeyey illaa afar degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir, waxaana lagu xaqiijinayey ammaanka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Howl-galkan ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey xaafado ka tirsan degmooyinka Xamar Jajab, Waaberi, Hodan iyo Howlwadaag oo ka wada tirsan gobolka Banaadir.

Ciidamada howl-galka fuliyey oo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa baarayey inta uu howl-galku socday gaadiidka, mootooyinka iyo dadka socota ah oo ay su’aallo weydiinayeen.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada ay gacanta ku dhigeen tiro dhalinyaro ah, kuwaas hal goob la’isugu geeyey, iyada oo markii dambe badi la fasaxay.

Taliye ku xigeenka labaad qeybta booliska gobolka Banaadir Saciid Cali Maxamuud (Baryare) oo ka warbixiyey howl-galkan ayaa sheegay in ujeedkiisa uu ahaa sugida amniga magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya,, si looga hortago falalka amni darrada.

Baryare ayaa sheegay in ay la socdaan hub fara badan oo dhowaan la soo galiyey caasimadda, wuxuuna farriin u diray dadka iska leh hubkaas iyo saraakiisha dowladda.

‘Hubka xilliga uu soo galay magaalada waa bilo ka hor dadka watayna waa naqaanaa waxaan ka rabno waxaa waayey hubkaasi in uusan dadka iska leh uusan gurigooda kasoo bixin sifo sharci darro ah,” ayuu yiri Saciid Cali Maxamuud (Baryare).

Sidoo kale wuxuu intaasi raacyey “Haddii aad sarkaal tahay hubkaaga heysi boqol mar ayey dhacday qof dambi lagu soo qabtay uu hubkiisa yeesho sarkaal,”.

Waa habeenkii labaad oo xiriir ah, isla-markaana howl-gallo ballaaran laga sameynayo xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, si looga hortego falalka amni darrada ah.

Howl-galladan ayaa dhinaca kale daba socda amarkii ka soo baxay taliyaha Booliska oo faray hay’adaha amniga inay u howl-galaan sugida ammaanka, maadaama gudaha magaalada Muqdisho ay ka dhaceyso doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka.

Si kastaba, maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa gudaha magaalada Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah amniga oo isugu jiro qaraxyo, dilal & dhac loo geysanayo shacabka.