Shir uu maanta ka qeyb geli lahaa Farmaajo oo baaqday

Kampala (Caasimada Online) – Dowladda Uganda ayaa dib u dhigtay shir madaxeedka IGAD oo la filayay in maanta, November 15 ka furmo caasimadda dalkaas ee Kampala.

Lindah Nabusayi oo ah agaasimaha warfaafinta Madaxweyne Museveni ayaa u sheegtay wariyeyaasha in Shirka dib loo dhigay mudo todobaad ah.

Shirkaas oo looga hadli lahaa xaaladaha dagaalka ka socda dalka Itoobiya iyo xasaradaha ka jira dalka Suudaan, waxaana lagu casuumay oo ka qeyb geli lahaa Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed  Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

Qaar kamid ah Madaxda dalalka Afrika ayaa shirkaasi isku diyaarinayay si ay uga qeyb galaan, maadaama dalal kamid ah Afrika ay xilligaan ka jiraan dagaalo iyo rabshado xooggan.

Lama oga sababta baaqashadda Shirka IGAD ee Uganda, balse wuxuu kusoo aadayaa xili gobolka Geesks Afrika uu booqasho ku imaanaya Blinken.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Blinken ayaa booqasho ku tagaya Kenya, isagoo Uhuru kala hadli doono colaadda Itoobiya ka socoto, waxaana suurta-gal ah in safarkan uu sameeyeey shirkaas.

Uhuru ayaa shalay tagey Addis Ababa, wuxuuna lasoo kulmay Abiy Axmed, iyadoo wararka ay sheegayaan inuu fariin uga soo qaadayay Blinken ka hor inta uusan ku qaabilin Nairobi Maanta.