DENI oo qorshe siyaasadeed weyn u kaashanaya Axmed Madoobe, kahor doorashada

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland.

Sida ay Caasimada Online u sheegen ilo xogagaal ah Safarka Axmed Madoobe ayaa yimid kadib markii uu madaxweyne Deni ka dalbaday inay kulmaan, si ay diirada ugu saaran qorshaha ku saabasan hamiga Deni uu ka leeyahay xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in qorshaha Deni ay qeyb ka tahay in dhigiisa Axmed Madoobe uu ku gacan siiyo sidii uu si dadban u maamuli lahaa, islamarkaana uu gacanta ugu hayn lahaa xildhibaanada kasoo baxaya Jubbaland, maadama ay xulufo siyaasadeed yihiin.

Sidoo kale waxay ka wada-hadli doonaan bilaabista doorashada Golaha Shacabka oo ayadu si hordhac ah uga bilaabatay dalka, islamarkaana muhiim u ah doorashada soo socota ee madaxweynaha oo si weyn loogu tartamayo, qeybna ay ka yihiin maamullada.

Madaxweyne Deni iyo Axmed Madoobe ayaa ah saaxibo siyaasadeed oo si aad ah isugu dhow, islamarkaana xulafanimadooda sii xoojiyey tan iyo markii ay soo bilaabatay dooda doorashada.

Sida ay ogtahay Caasimada Online, Musharaxnimada madaxweyne ee Saciid Cabdullahi Deni ayaa waxaa ka harsan oo kaliya inuu ku dhowaaqo, ayada oo tallaabooyinka siyaasadeed ee muddooyinkii dambe uu qaadayay ay muujinayeen arrintaas.

Musharaxnimada Deni waxay isbeddel weyn ku sameyn doonta ololaha doorashada madaxweynaha Soomaaliya, waxayna yeelan doontaa cawaaqib saameyn doono musharaxiin badan.

Wuxuu noqon doona musharaxa kaliya ee si toos ah iyo si dadban u maamulaya doorashada in ka badan 100 xildhibaan oo isugu jira kuwa Aqalka Sare iyo kuwa Golaha Shacabka.

Ma jiro musharax u taagan xil madaxweynaha oo saameyn intaas le’eg oo toos ah ku leh hanaanka doorashada xildhibaanada, waana midda keli ah ee rejada ku abuureysa madaxweynaha maamulka Puntland.