Hub la isku dayey in lagala baxo xarun oo dagaal ka dhex qarxiyey ciidanka Puntland

Qardho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal xalay ka dhacay gudaha magaalada Qardho, kaas oo u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa Puntland, gaar ahaan talisyada Booliska iyo Daraawiishta ee maamulkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid qaraar ayaa yimid, kadib markii askar ka tirsan kuwa Daraawiishta ay isku dayeen inay xoog kula baxaan hub ku xareysan xerada tababarka ciidamada Xorgoble, waxaana la sheegay inay talaabadaasi ka horyimaadeen Booliska oo fashiliyey.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka, kadib gacanta lagu dhigay 13 askari oo ka mid ah ciidamada Daraawiishta ee weerarka qaaday, kuwaas oo xabsiga la dhigay, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ee ka howl-gala magaalada Qardho.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay ku raad joogaan 7 askari oo kale oo baxsaday, kadib shaqaaqo ka dhacday halkaasi.

Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax khasaare nafeed oo lasoo wariyey, balse waxaa jira burbur gaaray dhismaha xarunta lagu diriray.

Dadka deegaanka ayaa waxaa sidoo kale soo wajahday cabsi aad u xoogan, maadaama xilli habeen ah oo aysan filaneynin dagaalka uu qarxay.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay madaxda sare ee Puntland oo ku aadan ciidamada ku wada dagaalamay magaalada Qardho oo hoostagta maamulkaasi.

Xaaladda ayaa maanta deggan, waxaana magaalada ku sugan Booliska oo weli wada howl-gallo dheeraad ah oo lagu xaqiijinayo amniga, kadib dagaalka ka dhacay halkaasi.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii