Xogta Shirka: Lafta-gareen iyo Qoor Qoor oo diiday 2 qodob, iyo qodob la isku raacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mida madaxda maamul Goboleedyada Soomaaliya ayaa shalay si rasmi ah u diiday in shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee ka socda Muqdisho uu isku raaco in amniga dalka lagu soo wareejiyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen. 

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Ra’iisu Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo ay gadaal ka riixayaan Golaha Midowga Musharaxiinta, ayaa si aad ah u doonaya in shirka uu isku raaco qodobkan, haddii aanay taas dhicinna aanay dalka doorasho hufan ka dhici karin.

Qoraal ay Talaadadii soo saareen Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa ku jiray laba qodob oo la xiriira amniga, waxaana lagu yiri “Waa in Ra’iisul Wasaaraha iyo golaha wasiirada ay si buuxda masuul uga noqdaan amniga dalka, madaxweynihii horena uu ku ekaado murashaxnimadiisa. 2- Sida uu dhigayo dastuurka KMG ah, waa in Ra’iisul Wasaaraha iyo xukuumadiisa ay xaqiijiyaan in ciidanka laga dhex saaro arrimaha siyaasadda.”

Si kastaba, madaxweyne goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Axmed Qoor Qoor iyo Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa ku gacan seeray arrintan, ayaga oo ku dooday in amniga dalka uu ka baxsan yahay arrimaha doorashada.

Waxay sidoo kale sheegeen in madaxweyne Farmaajo uu horey amniga doorashada ugu wareejiyey ra’iisul wasaaraha.

Qoor Qoor iyo Lafta-gareen oo si toos ah ugu xiran, shirkana ku metala Farmaajo ayaa sidoo kale diiday in odayaasha dhaqanka ee soo xulaya ergada lagu koobo 135-tii oday ee heer federal.

Qodobkan ayaa ka mid ahaa qodobo ay shalay dalbadeen Midowga Musharaxiinta, kuwaas oo qoraal ay soo saareen ku yiri “Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya ergooyinka waa in ay noqdaan kuwii ka tirsanaa 135-tii oday dhaqan. Waana in la faafiyo liiska magacyadooda inta aysan doorashadu billaaban.”

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in shirka, oo mar kale maanta la isugu soo laabanayo, aanu isku raaci doonin dhammaan qodobada xasaasiga ah ayna u badan tahay in laga soo saaro qodobo aan macno badan sameyneyn oo u badan kuwa guud.

Qodobka ugu muhiimsan ee shirka isla ogolyahay ayaa ah; in waqti cayiman oo laba bil ah loo qabto doorashada Soomaaliya in lagu soo geba-gebeeyo.

Qodobkan ayaa ah mid ay si aad ah u dooneyso beesho caalamka, hase yeeshee marar badan oo sidan oo kale waqti loogu qabtay doorashada, laguma guuleysan in lagu soo dhameystiro.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii