Magacyada saraakiisha loo baarayo afgambigii 27-ka December oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga heerka wasiir ee uu dhowaan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya u xil-saaray afgambigii 27-ka December ayaa shaaciyey magacyada saraakiisha ka howl-gala madaxtooyada ee loo baarayo is hortaagii lagu sameeyey Rooble.

Guddiga ayaa soo saaray liiska magacyada saraakiishaas oo gaaraya illaa shan xubnood oo dhammaantood ka tirsan ciidamada ilaalada madaxtooyada, gaar ahaan Guutada 77-aad.

Saraakiisha loo yeeray ayaa waxa ay kala yihiin:- Gaashaanle sare Xasan Aadan Dhicis oo ah taliyaha Guutada 77-aad, Gaashaanle Shaafici Nuur Axmed Abaanduulaha Guutada 77-aad, Gaashaanle Dhexe Cabdi Yaasiin Cali Kooshin taliyaha ururka 60-aad ee Guutada 77-aad, Gaashaanle Xasan Duwane Cumar Abaanduulaha ururka 60-aad iyo laba xidigle Muuse Maxamed Cadow (Shaarib) taliyaha koox horinta gurmad ee ururka 60-aad.

Sidoo kale taliyaha ciidamada Xoogga dalka Odowaa Yuusuf Raage oo warqadan loo diray ayaa waxaa la faray in maalinta Sabtida ah uu saraakiishaas u soo diro xarunta guddiga oo haatan ku shaqeeyo xafiiska wasiiru dowlaha ee ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya.

“Haddaba guddigu wuxuu ku shaqeeyaa xafiiska wasiiru dowlaha ee xafiiska ra’iisul wasaaraha, waxaana si xushmad leh lagaaga codsanayaa in saraakiishaas waqtiga loo cayimay ay guddiga ku yimaadaan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxday xafiiska guddiga.

Guddiga ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay waday su’aalo weydiin iyo xog uruurin ku aadan dhacdadii 27 December ka dhacday gudaha Madaxtooyada, taasi oo la fahamsan yahay in uu ka dambeeyay madaxweynihii hore Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Ra’iisul wasaaraha ayaa guddigan magacaabay 1-dii bishaan, ayada oo magacaabistood u cuskaday go’aan ay si wada-jir ah u gaareen xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya.

Si kastaba, tallaabada uu haatan guddigu qaaday ayaa ah mid muhiim ah, maadaama loo yeeray saraakiisha horkaceyso ciidamada ilaalada madaxtooyada, gaar ahaan kuwa loo heesto afgambigii 27-ka December ee sii qarxiyey xiisadda ka taagan Villa Soomaaliya.

Hoos ka aqriso warqadda wasiirka