Doodda ka taagan Amniga ee Shirka Muqdisho iyo ‘laba arrin oo ay tahay in la helo’

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan dooda taagan ee hareysay doorashooyinka iyo shirka u socda xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran ee dalka.

Fiqi ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweyinihii hore Maxamed Farmaajo, oo uu ku eedeeyey inuu ciidamada qaranka u adeegsaday dano gaar ah iyo in lagu weeraro siyaasiyiinta.

Wasiirkii hore ee amniga Galmudug ayaa soo jeediyey in la helo marka ay noqoto amniga, kuwaas oo kala ah in ciidanka la hoos geeyo xukuumadda Rooble iyo taliyeyaal xilkas ah.

“Waxaa loo baahan yahay in ciidamada qaranka waqtigaan xasaasiga ah la hoos-geeyo xukuumadda xilgaarsiinta iyo taliyaal xilkas ah,” ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.

Arrinta amniga ayaa ka mid ah qodobada weli la’isku mari la’yahay shirka Golaha Wadatashiga oo galay maalintii afaraad, kaas oo ka socda Teendhada Afisyoone.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka Fiqi

Haddii aad maqli jirtay dawlado ay ka mid tahay Iiraan oo loo diidan yahay in ay yeeshaan hubka Nukliyerka ah taas Macnaheedu ma ahan nacayb gaar ah ee waa in hubkaas uusan gelin gacan aan mas’uul ahayn oo sababta in si xun loo adeegsado!

Maanta Farmaajihii ciidamada qalabka sida u adeegsaday; dawlad goboleedyo badan, weerarkii guriga siyaasi C/raxmaan C/shukuur, weerarkii barlamaanka ee sanadkii 2018, ka hortaggii banaanbaxa iyo weerarkii labadii madaxweyne hore hotel ay degenaaayeen, dagaalkii muddo kororsiga, afgambigii dhicisoobay ee 27 December 2021, iyo asagoo weli ku jira Abaabul ciidan.!

In ciidamadii qaranku ay galeen gacan aan mas’uul ahayn waa arrin cad, loona baahan yahay in ciidamada qaranka waqtigaan xasaasiga ah la hoos-geeyo xukuumadda xilgaarsiinta iyo taliyaal xilkas ah.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii