Maxaa ka jira inuu burburay shirka Golaha Wadatashiga?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey inuu weli socdo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho, xilli ay baraha bulshada qabsadeen warar ku saabsan inuu burburay.

“Wararka sheegaya inuu shirka burburay waxba kama jiraan, shirka weli waa socdaa, anigaa hadda jooga,” ayuu yiri il-wareed ku sugan shirka oo la hadlay Caasimada Online.

Sidoo kale, afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa qoraal uu soo dhigay Facebook ku xaqiijiyey in shirka uu weli socdo, isaga oo ka digay wararka aan wanaagsaneyn ee laga faafinayo.

“Xumaan ha warin. Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran waxa uu galay maalinkii 4aad, waxa socda doodo adag oo ay Madaxdu ka yeelanayaan qodobo quseeya hufnaanta doorashada iyo amniga. In si qalbi furnaan ah loo doodo waxa ay dawo u tahay in xal kama dambeys ah laga gaaro qodobada lagu kala aragti duwan yahay,” ayuu yiri Macallimuu.

“Kulamda Madaxdu waa kulamo guud iyo kuwa gaar gaar ah. Dadka baraha bulshada xumaanta ku warinaya ee la wareegaya wararka dhiilada xambaarsan ee xaqiiqda ka fog waxa wanaagsanaan laheyd in dalka iyo dadkaba ay u rajeeyaan wax wanaagsan.”

Si kastaba, waxaa jirta cabsi ah in shirka uu burburi karo ayada oo qodobka la xiriira amniga uu yahay caqabadda ugu adag ee haysata.

Madaxweyne goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Axmed Qoor Qoor iyo Cabdicasiis Lafta-gareen, oo ku xiran Farmaajo, ayaa la sheegay inay diidan yihiin in amniga dalka lagu wareejiyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa la sheegay inuu yahay kan ugu xagjirsan marka ay noqoto arrinta amniga, isaga oo ku hanjabaya inuu shirka ka baxayo haddii aan la joojin doodda amniga, isaga oo gebi ahaan kasoo horjeeda in arrinta amniga laga hadlo.

Waxaa hadda socda kulamo gooni gooni ah, oo xal loogu raadinayo caqabadaha haysta shirka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii