24.9 C
Mogadishu
Wednesday, July 9, 2025

ICC oo soo saartay waaran lagu soo xirayo Haibatullah Akhundzada iyo Haqqani

Bookmark
Bookmarked

Share

Kabul (Caasimada Online) – Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC) ayaa Talaadadii soo saartay waaran lagu soo xirayo hoggaamiyeyaal sare oo ka tirsan Taalibaan ee dalka Afghanistan, kuwaas oo loo haysto silcin ka dhan ah haweenka, oo ah dambi ka dhan ah aadanaha.

Garsoorayaasha maxkamadda ICC ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in ay jiraan “sababo macquul ah” oo loo malaynayo in Hoggaamiyaha Sare, Haibatullah Akhundzada, iyo garsooraha guud, Abdul Hakim Haqqani, “ay galeen… dambiga ka dhanka ah aadanaha ee ah silcin… ku salaysan jinsiga.”

“In kasta oo ay Taalibaan soo rogeen sharciyo iyo mamnuucisyo saameeyay guud ahaan dadweynaha, waxay si gaar ah u beegsadeen gabdhaha iyo haweenka sababo la xiriira jinsigooda, iyagoo ka xayuubiyay xuquuqdoodii iyo xorriyaadkoodii aasaasiga ahaa,” ayay tiri maxkamadda.

Maxkamaddu waxay sheegtay in dambiyada lagu eedeeyay la galay intii u dhaxaysay 15-kii Agoosto 2021, markaas oo ay Taalibaan la wareegeen awoodda, ayna sii socdeen ugu yaraan ilaa 20-kii Janaayo 2025.

Garsoorayaasha ICC waxay sheegeen in Taalibaan ay “si ba’an uga xayuubiyeen” gabdhaha iyo haweenka xuquuqdii ay u lahaayeen waxbarashada, nolol gaar ahaaneed, nolol qoys, iyo xorriyadda isu-socodka, hadalka, fikirka, damiirka iyo diinta.

“Intaa waxaa dheer, dad kale ayaa la beegsaday sababtoo ah muujinta dareennada galmada iyo/ama aqoonsiga jinsiga qaarkood ayaa loo arkay inay ka hor imaanayaan siyaasadda Taalibaan ee ku aaddan jinsiga.”

Goor dambe oo Talaadadii ah, mas’uuliyiinta Taalibaan ayaa ku gacan sayray waaranada soo xirista ee maxkamadda, iyagoo ku tilmaamay “waxba kama jiraan.”

“Ogeysiisyada noocan ah ee aan macnaha lahayn ma saameyn doonaan sida adag ee ay mas’uuliyiinta Taalibaan uga go’an tahay shareecada (Islaamka),” ayuu yiri afhayeenka Zabihullah Mujahid oo war-saxaafadeed soo saaray, isagoo intaa ku daray in dowladoodu aysan aqoonsanayn maxkamadda.

Maxkamadda ICC, oo fadhigeedu yahay The Hague, ayaa loo aasaasay inay xukun ka gaarto dambiyada ugu xun adduunka sida dambiyada dagaalka iyo dambiyada ka dhanka ah aadanaha.

Ma laha ciidan boolis u gaar ah, waxayna ku tiirsan tahay dawladaha xubnaha ka ah si ay u fuliyaan waaranadeeda soo xirista—taasoo keentay natiijooyin isku dhaf ah.

Aragti ahaan, tani waxay ka dhigan tahay in qof kasta oo lagu soo saaro waaran soo xirid oo ICC ah uusan u safri karin dal xubin ka ah maxkamadda, isagoo ka baqaya in la xiro.

- Advertisement -

Read more

Local News