ICG oo ka digtay dagaal ka dhalan kara dib u dhiga doorashada Somalia, soona jeedisay qorshe xal ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Xasaradaha Caalamiga ah, International Crisis Group (ICG), ayaa warbixin ay maanta soo saartay uga digtay halista ka iman karta in dowladda federaalka ay dib u dhigto doorashooyinka dalka ayada oo aan la isku wada raacsaneyn.

ICG ayaa ku baaqday in dowladda federaalka aysan xiisad siyaasadeed ku darin xaaladda caafimaad ee deg degga ah ee ka jirta Soomaaliya, taasi oo ka dhalatay faafitaanka cudurka Coronavirus.

“Mas’uuliyiinta federaalka waa inay iska celiyaan hami kasta oo si kali ah dib loogu dhigayo xilliga doorashada ama isbeddel loogu sameynayo sharciga doorashooyinka,” ayaa lagu yiri warbixinta ICG.

Haddii sidaas ay dhacdo, waxaa xaqiiq ah in laga hor-iman doono, weliba suurta gal ay tahay in si rabshad leh looga hor-yimaado, ayey ka digtay ICG.

“Taa beddelkeed, waa inay heshiis kala gaaraan maamul goboleedyada sida iyo goorta ay tahay in doorashada, islamarkaana la xalliyaa khilaafyadii hore.”

ICG ayaa sidoo kale ugu baaqday dowldda federaalka inay saamileyda siyaasadda dalka, ayada oo aan dib loo dhigin, kala hadasho sida cudurka Coronavirus uu saameynayo doorashooyinka la qorsheeyey iyo noocooda.

“Go’aan hal dhinac ah wuxuu noqon doonaa khatar, marka la eego mucaaradnimada heerka sare ah iyo u diyaar ahaanshaha isku-dhac ee ay muujiyeen saamileyda qaar. Taa beddelkeeda in lala hadlo kuwa aan dooneyn in doorashada dib loo dhigo – oo ay ku jiraan dowlad goboleedyada iyo xisbiyada mucaaradka – waxay muhiim u noqon doontaa in la xakameeyo natiijada go’aan kasta oo mas’uuliyiinta ay ka qaadanayaan arrintan,” ayaa lagu yiri warbixinta ICG.

Dowladda federaalka ah ayaa ku adkeysatay doorasho qof iyo cod ah, taasi oo waafaqsan rajada beesha caalamka ee ah in doorasho noocaas ah ay astaan u noqon doonto kasoo kabashada Soomaaliya ee burburka.

Hase yeeshee, sida ay sheegtay ICG, dadka xog-ogaalka ah ayaa sheegay in haankan uu yahay mid aan suurta-gal ahayn, marka la eego amni darrada dalka iyo u diyaar garowga doorasho ee aadka u liita, waxaana mucaaradka qaarkood ay rumeysan yihiin in tani madaxweyne Farmaajo uu ku adkeysanayo isaga oo og inuu yahay qorshe aan la fulin karin, sidaas darteedna ay tahay qiil loo sii diyaarinayo in doorashada dib loo dhigo.

ICG ayaa soo jeedisay in wada-hadalka heer federal diiradda lagu saaro sidii loogu guuleysan lahaa heshiis laga gaaro waqtiga doorashada ama isbeddelo lagu smaeeyo hanaanka doorashada.

Isbeddelada ICG soo jeedisay ayaa waxaa ka mid ah in laga tanaasulo doorasho qof iyo cod ah, taa beddelkeedna diiradda la saaro hanaan doorasho oo dad kooban ay ka qeyb-galayaan, si la mid ah kii 2016-2017, markaasi oo ergo ka kooban 14,000 ay doorteen 270-ka xildhibaan ee baarlamanka, kuwaas oo kadib soo doortay madaxweynaha.

“Tani waxay ogolaan doontaa in cod-bixiyaal kooban ay doorashada ka qeyb-galaan taasi oo yareyn karta walaacyada caafimaad, kana fogaan karta baahida loo qabo diiwaan-gelin baaxad weyn iyo dad isu-keenid,” ayaa lagu yiri warbixinta ICG.

Ugu dambeyn ICG ayaa soo jeedisay, in haddii ay noqoto in doorashada dib loo dhigo, waxyaabaha lagu heshiin karo ay ka mid tahay dhismaha dowlad midnimo qaran ah, oo dowlad goboleedyada iyo mucaaradka ay xilal ku yeeshaan.