Mareykanka oo Sacuudiga kala baxaya gantaallo iyo ciidan looga difaaci jiray Iran

Washington (Caasimada Online) – Maraykanka ayaa dalka Sucuudi Carabiya kala baxaya afar ka mid ah habka difaaca gantaalaha ee loo yaqaan Patriot iyo tobaneeyo ciidan ah xilli xiisadda kala dhaxaysa Iran ay meel sare marayso, sida uu daabacay Wargeyska Wall Street Journal.

Qalabkaan militari waxaa Boqortooyadda Sucuudiga la geeyay dabayaaqadii bishii September ee sanadkii hore kadib markii gantaalo iyo drones lagu weeraray warshadaha shidaalka Sucuudiga ee Abqaiq iyo Khurais.

Weeraradii lagu qaaday warshadaha saliida Sucuudiga ee Aramco waxay bur-buriyeen 5.7 million oo barmiil ee saliida ceeriin oo ay maalin walba warshaduhu soo saari jireen, taasi oo ah qiyaastii 6 boqolkiiba wax soo saarka saliidda caalamka, waxayna sababeen in uu kor u kaco qiimaha shidaalka.

Kooxda xuutiyiinta ee Yemen ka dagaalanta ayaa sheegtay masuuliyadda weeradda, laakiin Sucuudiga iyo Maraykanku waxay ku eedeeyeen Iran, xukuumadda Tahran ayaa dhankeeda beenisay eedeymaha loo jeediyay.

Warbixin lasoo dusiyay oo uu soo saaray Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay ayaa sheegeeysa in baareyaashu aysan weeradda drone-ka iyo gantaalaha la xiriirin karin in ay ka yimaadeen Iran.

Wargeyska Wall Street Journal ayaa Khamiistii wariyay in saraakiisha qaar ay rumeysan yihiin in ka bixitaanka Maraykanku uu ku saley sanyahay “in aysan Iran khatar deg-deg ah ku ahayn danaha istiraatiijiga ah ee Maraykanka.”

Wargeysku waxaa uu sheegay in la bixista difaaca gantaalaha ay wehliyaan tobanaan ciidan militari ah, Maraykankuna uu  sidoo kale tixgelinayo in uu yareeyo joogitaanka ciidankiisa badda ee gacanka.

Saraakiil Maraykan ah ayaa walaac ka muujiyay in yareynta joogitaanka militari-ga ee gobolka ay keeni karto khatar cusub oo ka timaada Iran, iyadoo weli uu jiro cadaadiska dhaqaale ee Maamulka Trump uu ku hayo xukuumadda Tehran.

Qaar kale waxay leeyihiin qalabka militari-ga ee ay ka mid yihiin maraakiibta dagaalka iyo hubka waa in meel kale looga faa’iideysto.

Sida ay saraakiishaasi sheegeen, Gaashaandhigga Maraykanka waxaa uu hadda diiradda saarayaa in uu ka hortago saameynta militariga Shiinaha ee ku fideysa Asia.

Iran waxaa ay leedahay awooda gantaal ee balaastiga iyo Kuruuska ah ee ugu weyn Bariga Dhexe waana ay ka awood badanyihiin nidaam kasta ee difaac ee Sucuudigu leeyahay.