Somaliland oo shaacisay kiisas hor leh oo Covid-19 ah

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Somaliland oo soo saartay warbixinteeda maalinlaha ah ee Covid-19 ayaa shaacisay kiisas cusub.

Agaasimaha wasaaradda caafimaadka maamulkaasi, Dr Maxamed Xergeeye oo goor dhow warbixintaan la wadaagay warbaahinta ayaa sheegay in xanuunka laga helay illaa 11 qof oo hor leh, kadib baaris caafimaad oo lagu sameeyey.

Sidoo kale agaasimaha ayaa xaqiijiyey in mid ka mid ah dadkaasi uu geeriyooday, kaas oo noqday qofkii afaraad ee Coronavirus ugu geeriyooda Somaliland.

Xergeeye oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay kordheen tirada dadka la karantiilay, islamarkaana ay gaartay 64-ruux, kuwaas oo badankood ka yimid dhinaca Jabuuti.

Waxa kale oo uu tilmaamay in dadka uu soo ritay xanuunka ay u badan yihiin rag, islamarkaana ay gaarayaan 70%, halka dumarka ay yihiin 30%.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka deegaanada Somaliland inay qaataan talooyinka caafimaadka, islamarkaana ay muujiyaan feejignaan dheeri ah.

Shalay ayey aheyd markii Somaliland laga diiwaan-geliyey kiisas la mid ah kuwa maanta oo gaarayey illaa 11 qof, kuwaas oo kala jooga magaalooyinka Burco iyo Hargeysa.

Tirada guud ee deegaanada maamulka Somaliland ee Covid-19 ayaa haatan mareysa illaa 34 Qof, iyadoona dhimashadu ay sii cagacageyneyso illaa 4 ruux.