Khayre oo guddoomiyey shir laga yeeshay saameynta dhaqaale ee COVID-19

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Xali Khayre ayaa xalay guddoomiyey shirka joogtada guddiga qaran ee xakameynta cudurka faafa ee Coronavirus, kaas oo looga hadlay arrimo muhiim ah.

Ugu horreyn Ra’iisul wasaaraha ayaa warbixin ku aadan xaaladihii ugu dambeeyey ee Covid-19 ka dhageystay xubnaha guddiga, maadaama uu ka sii darayo xanuunka.

Khayre ayaa guddiga kula dardaarmay inay laba jibaaraan waajibaadka shaqo ee loo igmaday, si loo xakameeyo fidista Fayraska Corona.

Dhinaca kale waxaa intii uu shirka socday lagu soo qaaday saameynta dhaqaale ee uu bulshada ku yeeshay Covid-19 iyo sida loo wajahayo, xilli dalka uu ku jiro xaalad adag.

“Shirka Guddiga Qaran ee xakameynta safmarka  COVID19 oo caawa uu shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliy ayaa looga dooday saameynta dhaqaale ee uu COVID19 ku yeeshay bulsahda iyo sida loo wajahayo.” ayaa lagu yiri war kooban oo ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xasan Cali Khayre.

Dowladda federaalka oo kaashaneysa dalalka saaxibada la’ah ayaa wada dadaallo xoogan oo lagula dagaalamayo Covid-19 oo kiisaskiisu ay ku dhow yihiin illaa 1000 qof.