Qabuuraha MUQDISHO oo buuxsamay iyo dadka oo lagu aasayo qabuuro cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Qabruurihi hore ee magaalada Muqdisho ayaa lagu soo warramayaa inuu buuxsamay, oo haatan dadka lagu aaso qabuuro cusub, xilli dad badan ay magaalada ku dhimanayaan ayada oo cudurka Coronavirus uu aad usii fidayo.

Ilaa hadda ma cadda inta ay la’eg tahay tirada dadka Muqdisho dhexdeeda Coronavirus ugu dhimanaya, laakiin dadka xabaalahan joogo ayaa BBC u sheegay inuu korar ku yimid qabriyada ay qodaan iyaga oo sheegay iney maalinkasta qodaan ilaa 20 qabri.

Afar qoys oo mid walba uu qof ka dhintay ayaana qabuuraha joogay, wajiyadooda murugo ayaa ka muuqatay, waxay waayeen xubin qoyskooda ka tirsan oo aan dib ugu soo noqoneyn.

“Sidaad ogtihiinba markii hore ilaa iyo 450 qabri iyo wax ka agdhow ayay qabuuraha ahaan jireen laakiin bishan 558 ayey ahaayeen marka 100 baa ku korortay, waa bishi la soo dhaafay ee afaraad taasoo macnaheedu yahay maalin walba 3-4 qof ku dhawaad oo siyaada ah ayaa halkan la keenayey. Marka dadweynihi oo xawaalaha loo soo dahweeyey wey noqon kartaa dhibka jirana qayb ayuu ka yahay taa lama inkiri karo” ayuu yiri guddoomiaha qabuuraha barakaat Cali Wehliye.

Cudurka COVID19 wuxuu ku faafay gobollada dallka oo dhan, dadka caafimaadka ka shaqeeya ayaana dagaal kula jira xanuunkan laakiinse Soomaalia malahan awood kaga hortagto ama ay kula socoto tirada saxda ah ee xanuunkan, waxaanay sidoo kale lahayn adeegyo caafimaad oo awood u leh dawaynta dadka uu xanuunka uu soo rito.

Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay iney dad 40 qof ka badan ay u geeriyoodeen xanuunka corona. Laakin duqa magaalada muqdisho ayaa sheegay in labadii todobaad ee la soo dhaafay ay maamulka gobolka diiwaan galiyeen 500 oo dhimasho, tiradaan ayaa aad uga badan intii hore u dhiman jirtay waxuuna u badiyay inay covid-19 u dhinteen dadka geeriyooday.

“Waxaan soo billaawnay inaan gudbinno tirada meyd ee qabuuraha la geeyo maalin walba 19-ka Apriil ilaa iyo caawa warbixintaasi waa gudbinnay. Maanta 32 meyd ayaa la soo aasay, tiradi ugu badneed oo aan gudbinno maalin qur ah waxay ahayd 49, tirada ugu yareyd oo aan gudbinnayna waxay ahayd 22” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxammed (Cumar finish).

Xirfadlayaasha caafimaadka ee ka howlgala magaalada Muqdihso ayaa duqa magaalada badi ku raacsan hadalkiisa, ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed ayaana ka digay in ay dad badan ay fayraska corona ugu dhiman doonaan Soomaliaya, hadii aanay Soomaaliya caawinaad helinna ay xaalad xun gali karto

Cudurka Safmarka covid-19 waxuu saameeyey mid ka mid ah adeegyada caafimaad ee ugu liita adduunka. Soomaaliya waxay leedahay wax ka yar 20 sariirood oo daryeelka degdegga ah, waxaana aad ugu yar qalabka neefta ee ventilator loo yaqaanno waxay sidoo kale leedahay hal isbitaal dawladeed oo la tacaalo bukaanka Covid-19.

Xaaladda ayaana si aad ah gacanta uga sii baxaysa xakameynteeduna ay adkaan doontaa hadii aan degdeg wax looga qaban.

Xigasho: BBC Somali