AMISOM: “Itoobiyaan aan naga tirsaneyn ayaa soo riday diyaaraddii Bardaale”

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin loo diray wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha ururka Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya Francisco Madeira ayaa lagu xaqiijiyey in ciidamo Itoobiyan ah oo aan ka tirsaneyn Amisom ay soo rideen diyaaraddii shirkadda African Express ee afartii bishan ku dhacday magaalada Bardaale ee gobolka Baay.

Qoraalkan, oo uu diray taliyaha ciidamada Amisom, ayaa lagu sheegay in diyaaradda lasoo riday kadib markii laga shakiyey inay fulin lahayd weerar is-miidaamin ah, ayna isku dayeysay inay hesho bartilmaameed.

Sababta shakiga ayaa lagu sheegay in caadiyaan marka diyaaradda ay kasoo degeyso garoonak Bardaale ay jihada cago dhigashadeedu tahay Bari-Galbeed, balse diyaaradda ay ka imaneysay jihada Galbeed-Bari, taasina ay tahay sababta ay ciidanka u shakiyeen.

“Xiriir la’aan iyo wada-shaqeyn la’aan darteed ayaa lasoo riday diyaaradda, waxaana ku dhintay saddex qof oo Kenyan ah iyo laba qof oo Soomaali ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka Amisom ayaa ugu dambeyntii lagu sheegay in maadaama ciidanka diyaaradda soo riday ee Itoobiya aysan ka mid ahayn Amisom, loo baahan yahay baaritaan dheeri ah oo ay si wadajir ah u sameeyaan dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya si faham dheeri ah looga helo xaqiiqda waxa dhacay.