Puntland oo shaacisay kiisas badan oo Coronavirus ah

Garowe (Caasimada Online) – Guddiga arrimaha Coronavirus ee maamulka Puntland ayaa caawa shaaciyey kiisas hor leh oo cudurka Coronavirus ah, kuwaas oo laga diiwaan geliyey gudaha deegaanada Puntland.

Tirada kiisaska maanta laga diiwaan Puntland ayaa gaaraya 17, halka dhimashada uu sababay cudurkaas loo diiwaan geliyay hal qof, sida lagu sheegay warbixinta guddiga.

Kiisaskan ayaa laga kala diiwaan geliyay gobollada Bari, Mudug iyo Nugaal ee Puntland, mana jirto cid kasoo bogsatay xanuunkaas oo lagu shaaciyey warbixintan.

Guddiga ka hor tagga xanuunka COVID-19 ee deegaanada Puntland ayaa tirada guud ee cudurkan uu ka baaray saacadihii u dambeeyey ku sheegay 24 qof, balse waxaa laga helay 17 qofood, kuwaas 15 kamid ah ay yihiin rag, halka labada kale ay dumar yihiin.

Tirada guud kiisaska cudurka Coronavisus ee deegaanada Puntland aya gaartay 76 xaaladood, dhimashada uu sababay xanuunkan ayaa gaartay seddax qof, halka qof kaliya uu kasoo bogsaday.

Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka ayaa galabta shaacisay in 69 qofood laga helay cudurkas 48-kii saac ee u dambeeyey, kuwaas ku kala sugan dhamaan deegaanada maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir, markii laga reebo deegaanada Jubbaland.

Tirada guud ee kiisaska cudurka Coronavirus gudaha Soomaaliya ayaa gaartay 997 xaaladood, bogsashada guud ayaa gaartay 110 qofood, halaka dhimashada guud ee uu sababay xanuunkaas ay gaartay 48 ruux, inta la ogyahay, sida ku xusan warbixintii u dambeysay ee heer federaal.

Tirada ay galabta shaacisay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya kuma jiraan kuwa ay caawa shaacisay Puntland, balse warbixinta dambe ayey kusoo dareysaa sidii horay u dhici jirtayba, waxaana halkaas ka cad wada shaqeyn la’aan ka dhex taagan hey’adaha caafimaadka dalka, taas sida caqabad ku ah dadaalada ka hor tagga Coronavirus.