Dagaal dhex-maray ilaalada xabsiga Burco iyo maxaabiis xabsiga ka baxsanayey

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka aanu ka helayno magaalada Burco ee gobolka Togdheer ayaa sheegaya in Maxaabiis ka baxsaneyay xabsiga weyn ee magaaladaasi ay dhaawac gaarsiiyeen ilaaladii xabsigaasi, xili uu dagaal kooban dhex-maray.

Maxaabiista ayaa isku dayey fulinta qorshe ay kaga baxsanayeen xabsigaasi, walow dagaal kooban oo dhex-maray ciidamadii ilaalada ka ahaa xabsigaasi uu qorshahaasi ku soo dhamaaday fashil.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dagaalkaasi dhex-maray Maxaabiista baxsadka ahaa iyo ciidamada ilaalada xabsiga weyn ee Burco, ayaa sababay dhaawacyo soo gaaray ciidamada, kuwaasi oo qaarkood lagu dabiibayo isbitaalka Burco.

Maxaabiista ayaa loo badaleyay xabsiga weyn ee magaalada Hargeysa, kadib markii ay xukunkii ku dhameysteen xabsigaasi, kuwaasi oo ka biyo diidanaa badalkooda Hargeysa, taasi oo dhalisay iska hor-imaadka.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhaawac fudud uu soo gaaray mid kamid ah Maxaabiistii ka baxsanayey xabsigaasi, iyada oo xaalada xabsiga weyn ee Burco ay himika tahay mid degan kadib markii uu dagaal ku dhex-maray Maxaabiistaasi iyo ciidamada ilaalada ka ahaa.