Ciidamadii ugu badnaa oo maanta la geeyey duleedka magaalada Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta ciidamo isugu jira nabad sugid iyo milatari la geeyey duleedka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Ciidamadaan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa gaaray deegaanka Qalaanqalle oo hoostaga magaaladaasi, kaas oo dhowaan ay ku dagaalameen laba beelood.

Ujeedka ciidamada loo geeyey halkaasi ayaa ah, sidii ay u kala dhex gali lahaayeen maleeshiyaadka labada dhinac, iyagoona la wareegay amniga guud ee deegaankaasi.

Taliyaha nabad sugida ,Mahdi Cumar Muumin, taliyaha howwlgalinta milatariga qaybta 21-aad Cali Cagawayne iyo saraakiil kale  ayaa haatan ku sugan deegaanka Qalaanqalle.

Sidoo kale waxaa haatan socda dadaallo nabadeed oo lagu qaboojinayo xiisada u dhexeysa labad beel oo isku haya arrimo la xiriira dhul-daaqsimeed.

Xaalada deegaanka ayaa degan, balse waxaa dagaalkii u dambeeyey oo dhacay todobaadkii la soo dhaafay ku dhintay 6 qof, iyadoona ay ku dhaawacmeen in ka badan 10 kale.