IGAD oo ka hadashay muranka ka dhex oogan dowladaha Somalia iyo Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Xoghayaha Guud ee Urur-gobaleedka IGAD, Maxbuub Macallim ayaa sheegay inaysan weli Dowladaha Kenya iyo Somalia u soo gudbinin murankooda ku aadan Aayaha Qaxootiga Soomaalida ee weli ku nool Xeryaha Qaxootiga ee W/bari Kenya.

Mas’uulka ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu siiyey Wargeys ka soo baxa dalka Kenya, wuxuuna tilmaamay inuu la socdo Heshiiskii saddex geesoodka ee dhex maray Dowladaha Somalia, Kenya iyo Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR), wuxuuna intaasi ku daray inaysan IGAD wax wada xaajood ka gelin xalinta muranka ka dhashay Heshiiskaasi.

Xoghayaha Guud ee Urur-gobaleedka IGAD, Maxbuub waxa uu sheegay haddii ay Haweeneyda Wasiirka Arrimaha Dibedda u ah Kenya, Ambassador Amina Mohamed oo xubin ka ah Golaha Fulinta ee IGAD go’aansato inay murankaasi u soo gudbiso IGAD inay taageero ka geysan doonaan xal-u-raadinta muranka Dowladaha Somalia iyo Kenya soo kala dhex galay.

Mar wax laga weydiiyey xilliga Xeradda Qaxootiga ee Dhadhaab la xiri doono waxa uu xusay inay Dowladdaha Somalia, Kenya iyo Hay’adda UNHCR horey go’aan uga gaareen xilliga la soo xirayo Xerooyinkaasi.

“Waxaan u malaynayaa inaysan hawl sahal ahaynin albaabadda la isugu dhufto Xeradaaai oo marti-gelisay 600,000 oo Qaxooti ah” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Urur-gobaleedka IGAD, Maxabuub Macallim oo isagu shaqaale Dowladeed ka ahaa dalka Kenya Xilligii Madaxweynihii hore ee Kenya, Mwai Kibaki.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com