Ajaaniib sanado badan Soomaliya lagu heystay oo lasii daayay kadib markii…

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya miyaga gobolka Mudug ayaa sheegaya in lasii daayay seddex ruux oo lagu heystay afduub ahaan miyiga gobolkaasi.

Seddexda ruux ee lasii daayay ayaa la sheegay in la afduubtay 11 July sanadkii 2012, iyadoo lagu heystay duleedka magaalada Gaalkacyo, waxaana afduub ahaan u heystay kooxo burcad badeeda Soomaali ah.

Wararka ayaa sheegaya in seddexdaasi ruux laga afduubtay degmada Bacaadweyn ee gobolka Mudug waxayna la shaqeynayay hayad samafal, waxaana la sheegayaa inay jirto dhaqaale madax furasho ah oo laga qaatay.

Ma jiro war kasoo baxay maamulada Galmudug iyo Puntland oo ay kaga hadlayaan wararka shegaya sii deynta seddexdaasi ruux, sidoo kale ma jiro war kasoo baxay dowlada Kenya.

Labo kamid ah seddexdaasi ruux ayaa la sheegayaa inay yihiin Kenyan Asal ah, laakiin midka seddexaad ayaa la sheegay inuu heysto dhaqalo Kenyan ah laakiin uu kasoo jeedo Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Mudug

Caasimada@live.com