Xasan oo ballanqaad aan laga fileyn u sameeyey xildhibaanno uu la shiray

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa go’aan ay adag tahay in laga rumeysto u sheegay xildhibaanno uu shalay kula shiray Villa Somalia.
Xubnaha uu Xasan la shiray ayaa ahaa Guddi ka socday Xildhibaanada Baarlamaanka, ee ka soo horjeeda Siyaasada Dowladdiisa.

Madaxweynaha oo Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia ku qaabilay Xildhibaanadaan, ayaa waxay ka wada hadleen arrinta ku aadan soo jeedintii Xildhibaanada ee ahayd, in uu is casilo Madaxweynaha Somaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa Xildhibaanada wuxuu u sheegay in uu joojin doono fara-gelinta markasta lagu eedeeyo, in uu ku haayo Xukuumada C/weli Sheekh Axmed Maxamed.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay Xildhibaanada in ay iyana ka laabtaan rabitaankooda ku aadan, in uu is casilo Hogaankii Wadanka, isla-markaana ay si habsami leh u wada shaqeeyaan Xukuumada iyo Golaha Shacabka.

Qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa Caasimada Online u sheegay inaysan rumeysneyn ballanqaadka madaxweynaha ayna u arkaan kaliya mid uu cadaadiska isaga yareynayo kaliya.

Guddiga Xildhibaanadaan, ayaa waxay sheegeen inaanay iyagu oo kaliya go’aan gaari karin, isla-markaana ay dib ugula laaban doonaan Xildhibaanada kale, si ay go’aan mideysan kaga qaataan soo jeedinta Madaxweynaha.

Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay Caasimada Online inaysan Xildhibaanada Baarlamaanka ku qanacsanayn soo jeedinta Madaxweynaha, ee ah in Dowladdiisa laga daayo culeyska lagu haayo, iyagoo Xildhibaanada ku adkeysanaaya in uu is casilo Madaxweynaha, haddii kalana ay mooshin ka soo gudbin doonaan.

Madaxtooyada Soomaaliya oo horey u kala jebisay Xildhibaanadii ka soo horjeeday Siyaadada Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa waxaa markale soo ifbaxeyso in ay dib iska abaabulayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com