Sheekh caan ahaa oo lagu dilay Garisa

Gaarisa (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Magaalada Garissa ee Xarunta Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, ayaa waxay sheegayaan in xalay lagu dilay Allaha u naxariistee Sheekh C/rashiid Xasan.

Sheekha waxa uu ka mid ahaa Culima’udiinka sida weyn leh looga garanaayo Magaalada Garissa, iyadoo uu Siirada Rasuulka (NNKH) uu ka akhrin jiray Masaajidka weyn ee Jameeca (Masjid Jaamac).

Sheekh C/rashiid Xasan, ayaa waxaa la dilay xilli uu Salaaddii Maqribka ahayd ku soo tukaday Masaajidkaasi, isla-markaana uu u socday in uu soo xiro goob ganacsi oo uu ku lahaa Magaalada, laakiin ay wadada u gashay dabley hubeysan.

Ragga dilay Sheekha, ayaa waxay wateen gaari taksi ahaa, kaasoo ay ugu suurta gashay in ay ku baxsadaan, kadib dilka Wadaadka sida weyn leh looga garanaayay Garissa.

Gudoomiyaha Magaalada Garissa Nadiif Jaamac, ayaa si xoogan u cambaareeyay falka foosha xun leh ee lagu dilay Sheekh C/rashiid Xasan, iyadoo dhanka kalana uu sheegay inay soconayaan baaritaano ka dhan ah kuwii dilka geystay.

Laamaha ammaanka ee Magaalada Garissa, ayaa waxay dadaal ugu jiraan gaarigii taksi ahaa, bal si ay u helaan taarikadiisii, si ay gacanta ugu soo dhigaan dambiile-yaasha.

Hal habeen ka hor, ayay ahayd markii qarax bambo gacmeyd loo adeegsaday lagu weeraray Garaash gaadiidka lagu sameeyo, oo ku yaal Magaalada Garissa.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com