IGAD oo war kasoo saartay xaaladda kala guurka ee SOOMAALIYA + Sawirro

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxda Dowlahaha IGAD oo maanta shir ku yeeshay aaladda la iska arko ee online-ka maanta ayaa ka hadlay Hannaanka Nabadda ee Koonfurta Suudaan, xaaladda kala guurka Soomaaliya iyo cudurka COVID19.

Go’aamada ugu muhiimsanaa ee Soomaaliya khuseeyo ayaa waxaa kamid ah in dalalka IGAD ay bogaadiyeen dadaallada dowladda Soomaaliya ku dooneyso in doorasho qof iyo cod ah laga hirgaliyo dalka.

“IGAD waxay dhiirrigelinaysaa dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan in la hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah, waxayna kusoo dhiirrigelineysaa dhammaan dhinacyada in ay ka qeyb qaataan hannaanka taarikhiga u ah Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay shirka.

Dhanka kale, wadahadallada DFS iyo Somaliland ee uu hormuudka ka yahay Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa lagu soo dhaweeyay war-murtiyeedka.

Shirkan ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb-galay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Hoos ka aqriso qoraalkan oo ka soo baxay Villa Somalia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay meertada 36-aad ee Shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD ayaa ka warbixiyay hannaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u xakameysay ugana hortagtay cudurka safmarka ah ee COVID-19, saameynta xooggan ee cudurkan uu ku yeeshay dalkeenna iyo geeddi socodka siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha ee dalka.

Shirkan oo ahaa mid Madaxdu ay ku wada xiriireen mareego gaar ah oo dhanka internet-ka ah (Video-conference) ayaa ku saabsanaa horumarrada laga gaaray dadaallada xal u helista colaadda dalka Suudaanta Koonfureed, qorshaha dalalka IGAD ay ku wajaheen cudurka COVID-19 iyo qodobo kale oo la xiriira arrimaha iskaashiga iyo is dhexgalka dhaqan-dhaqaale ee dalalka Gobolka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay doorkeeda sidii xal waara loogu heli lahaa colaadda dalka Suudaanta Koonfureed, isaga oo boggaadiyay dhammaan dadaallada dib u heshiisiinta ee ka socda dalkaas, ayaa ku dhiirigaliyay Madaxweyne Salva Kiir magacaabista Golihiisa Wasiirrada ee qeybta ka noqonaya qorshaha nabadda iyo dib u heshiisiinta dalkaas.

“Waxaan jeclahay in aan qiro dadaallada ay muujiyeen dhammaan qeybaha ka shaqeeynaya suurtagelinta heshiis nabadeed iyo xoojinta iskaashi amni. Waxaan sidoo kale soo dhaweynayaa hanaanka socda ee isku dhafka iyo dib u dhiska hey’adaha amniga iyo kuwa rayidka oo loo dhan yahay ee Suudaanta Koonfureed.”

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay hoggaamiyeyaasha kale ee dalalka IGAD saameynta uu cudurka COVID-19 ku yeeshay Soomaaliya, waxa uuna boggaadiyay isku xirnaanta iyo wada shaqeynta heer Gobol ee lagu wajahay cudurkan.

“Si aynu u hubinno in Xoghaynta IGAD ay si fiican ugu diyaar garowday dadaallada dib-u-dhiska iyo soo kabashada ee dalalka urur Goboleedka IGAD marka laga gudbo cudurka COVID-9, waa inaan dardargelinnaa dib-u-habeynta hay’adaha iyo dib-u-qaabaynta IGAD iyada oo la raacayo heshiiskeenii hore.”

Madaxweynaha oo muujiyay sida cudurka karoonaha uu u saameeyey guud ahaan dhaqaalaha dalalka IGAD ayaa xoojiyay muhiimadda ay leedahay in dalalka Gobolku iska kaashadaan sidii ay arrintaas xal ugu heli lahaayeen sidoo kalana cashar uga baran lahaa saameyntii dhaqaale xumo ee ka dhalatay Covid-19.

DHAMMAAD