Ikhwaanul Muslimiin oo ka jawaabay go’aankii kasoo baxay culimada Sacuudiga

Qaahira (Caasimada Online) – Ururka Ikhwaanul Muslimiin ee dalka Masar ayaa jawaab kulul ka bixiyey go’aan kasoo baxay Golaha Sare ee Culimada Sacuudiga, kaasi oo ugu yeeray “urur argagixiso”.

Afhayeenka Ikhwaanul Muslimiinka Talat Fehmi, ayaa sheegay inay yihiin urur aaminsan fikrado isbeddel doon ah, oo u ololeeya Islaamka, balse aan ahayn argagixiso.

“Ikhwaanul Muslimiin oo 1928-kii lagu aas-aasay Masar, waa urur ka fog ficillada rabshadaha, argagixisada iyo kala qeybinta umadaha,” ayuu yiri Talat Fehmi.

Talat Fehmi ayaa sheegay in tan iyo markii la aas-aasay uu ururkan u ahaa mid u taagan isbeddelo diineed, oo ku baaqa adeecidda Allah ayada oo loo marayo xikmadaha oo la isdhaafsado, islamarkaana aan la dayaceyn diinta.

Fehmi ayaa sheegay in go’aanka Golaha Sare ee Culimada Sacuudiga uu yahay mid la mid ah fikirka wasaaradda arrimaha gudaha Sacuudiga, oo sanadii 2014 ururka Ikhwaanul Muslimiin ku calaameysi urur argagixiso.

Fehmi ayaa intaas ku daray in Ikhwaanul Muslimiinka ay mar kasta ahaayeen dhibanayaasha ficilalda rabshadaha wata iyo maamullada kali taliska ah.

Golaha Sare ee Culimada Sacuudiga ayaa qoraalkooda ku sheegay in Ikhwaanul Muslimiinka ay yihiin urur argagixiso oo aan matalin Islaamka.

Ikhwaanul Muslimiin oo la aas-aasay 1928-kii, ayaa 2013-kii laga mamnuucay dalkaas kadib markii xukunka laga tuuray Mohamed Morsi oo ahaa madaxweynihii ugu horreeyey ee si dimoqraadi ah loogu doorto Masar, kana tirsanaa ururkan.

Bishii May ee sanadkan, Saudi Arabia ayaa si rasmi ah waxay Ikhwaanul Muslimiin ugu dartay liiska madow ee ururada argagixisda.