Mahdi Guuleed oo tusaale dhacay 2016 ugu jawaabay madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dowladda federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta ka hadlay dhaliilaha dul hooganaya guddiyada doorashooyinka ee uu dhawaan ku dhawaaqay ra’iisal wasaare Rooble.

Mahdi Guuleed ayaa gebi ahaanba beeniyay in guddiyadaasi ay ku jiraan xubno ka tirsan ciidamada Amnig, sida ay dhawaan sheegen Murashaxiinta madaxtinimada dalka, oo ku hanjabay in aaney qeyb ka noqon doonin tartanka doorashada ee sanadkan haddii uu noqdo mid loo qaabeeyey boob ergo, kuraasta iyo ku shubasho doorashada 2020/2021.

Waxa uu carabka ku adkeeyay ra’iisal wasaare ku-xigeenku in guddigaasi ay kamid yihiin oo keliya laba qof oo ka tirsanaa xafiisyada Madaxtooyada iyo Ra’iisal wasaaraha, isagoona meesha ka saaray inay jirto cid ka tirsan ciidamada amniga oo qeyb ka ah guddiyada doorashada iyo khilaafaadka heer federaal.

Mahdi ayaa sheegay in guddigii 2016-kii ay kamid ahaayeen xubno la taliyayaal u ahaa madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud, midaasi oo uu soo qaatay isbar-bar dhig uu ku sameeyay guddiga ay xukuumadiisu ku dhawaaqday iyo kuwii ka horeeyay hanaankii loo soo xulay.

Sidoo kale waxa uu xusay in xubnihii Xasan Sheekh uu guddigii 2016-kii ku darsaday ay u shaqeeyen si cadaalad ku dheehan tahay, isagoona xusay in macno sameynayn in xubno ka tirsanaa xukuumada ay qeyb ka noqdaan guddiga, balse ay muqadas tahay inay ilaaliyaan dhex-dhexaadnimada.

“Guddigii doorashooyinka 2016-kii waxaa kamid ahaa Cumar Dhagey oo ahaa la-taliyihii gaarka ahaa ee sharciga Madaxweyne Xasan Sheekh, kadibna noqday guddoomiyaha Guddiga. Maxamed Keynaan oo la-taliye sare ka ahaa xafiiska Madaxweynaha, Nafiso Geedi oo ka shaqeyneysay xafiiska Madaxweynaha. C/raxmaan Sheekh Mucaawiye oo ahaa ku xigeenkii xoghayaha xafiiska Ra’iisal wasaaraha” ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa kamid ahaa oo kale Mustaqiim oo aheyd la-taliyaha siyaasada wasaaradda arrimaha gudaha. Guddiga iminka waxaan ka garanayaa C/nuur iyo iyo Inan ka tirsan la-taliyeyaasha xafiiska Ra’iisal wasaaraha”.

Hadalka Mahdi ayaa imanaya xili ay dhawaan Murashaxiin 12 ah oo ka tirsan kuwa la filayo doorashada guud ee Soomaaliya ee 2020/2021 ay hore u sheegay in xubnaha guddiga lagu dhawaaqay ay ka kooban yihiin taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo iyo taliska NISA.