Ikraan, Aamina, Yariisow, Jubaland iyo dhowr kiis oo sugaya Xasan inuu soo xiro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu xafiiska kusoo noqday iyadoo ay dalka dambiyo badan ka dhaceyn. Dowladnimada ayaa halis gashay, dambiyada qaar dalka iyo dowladnimada ayaa laga galay qaarna muwaadiniin Soomaaliyeed.

Dambiyadaas qaarkood waxay tuhun badan geliyeen kalsoonidii lagu qabay hay’adaha dowladda, kuwana waxay ku dhawaadeen inay caadifad qabiil dillaaciyaan.

Xasan Sheekh intii uu banaanka joogay wuxuu muujiyey sida uu uga xun yahay kiisaskaas iyo lagama maarmaanimada in loo helo caddaalad.

15-kii May ee sanadkaan ayuu madaxweyne Xasan Sheekh kusoo noqday xafiiska, laakiin illaa iyo hadda kiisaskaas uu banaanka ku dhibsaday lama taaban. Kama dhigna in la iloobay ballan-qaadkiisii.

Mid ka mid ah kiisaskaan waa Ikraan Tahliil Faarax. Gabadhaas ayaa loo haystaa hoggaankii hore ee hay’adda NISA, madaxda xukunka haysa xilligaan intii ololaha lagu jiray waxay muujiyeen sida ay daacad uga yihiin waxqabashada arrintaan haddii ay xafiiska kusoo noqdaan.

Hooyada dhashay Ikraan Tahliil waxay dhawaan xaqiijisay inaan weli la bilaabin baarista kiiska gabadheeda, iyadoo madaxda cusub ee dowladda waydiisatay caddaalad. Nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh inuu arrintaan gacmaha ka laabto waxay fasiraad khaldan ka bixin doontaa siyaasiga Soomaaliga xilliga uu xukun doonka yahay iyo markii uu xukunka helo.

Kiis kale oo la aaminsan yahay inuu kiiskaan ka dhashay waa dilkii xildhibaanad Aamina Maxamed Cabdi gabadhaas oo aheyd qareenkii ugu weynaa ee kiiska Ikraan Tahliil daba socday ayaa iyadiina la dilay.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble wuxuu sheegay inay aamino dileen dadkii dilay Ikraan. Waxaax la xasuustaa inuu Rooble horey u sheegay in aysan Al-Shabaab dilin Al-Shabaab.

Mucaaradkii xilligaas oo uu madaxweyne Xasan Sheekh ka mid ahaa ayaa sidoo kale ku dooday in dilka xildhibaanad Aamina u baahan yahay baaris caalami ah.

Xasan Sheekh isaga ayaa hadda fadhiya xukunka welina arrintaan lama billaabin baaristeeda. Xildhibaanad Aamina waxay kamid aheyd xisbiga madaxweyaha ee UPD.

Dilka kale ee tuhunka badan waa weerarkii lagu qaaday xarunta maamulka gobolka Banaadir halkaas oo lagu dilay guddoomiyihii gobolka Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow iyo madax kale.

Weerarkaas wuxuu ku jiraa weerarada uu tuhunka badan hareenayo madaxdii horana waa diideen inay si dhab ah uga hadlaan. Kiiskaan wuxuu ku jiraa kuwa u baahan in lasoo xiro.

Weerarkii lagu qaaday guriga siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ee lagu waayey askartii waardiyeeneysay isna wuxuu ka mid yahay kiisaska aan weli dhammaanin oo aysan cidna toos u qaadan dambigooda cidna aan loo ciqaabin.

Maamulka Jubbaland waxaa lagu sameeyey xayiraad duulimaad, waxaa la sheegay in cunaqabateyntaas dhalisay xaalad bini’aadanimo gaar ahaan shacabka cunto ahaan iyo caafimaad ahaanba ku xiran socdaalka.

Wuxuu dhaqankaan keeni karay inuu maamulkaas go’o ama lagu kala jaro dalka. Waxaa loo arkaa dambi weyn mana jirto cid illaa iyo hadda qaadatay mas’uuliyadaas.

Dhammaan kiisaskaan waxay u baahan yihiin in lasoo xiro oo dambigooda cidi qaadato ciqaabtoodana la fuliyo. Haddiise loo waayo caddaalad waxay albaabka u furi doontaa niyadjab laga qaado nidaamka dowliga ah, dambiyada oo sii xoogeysta iyo madaxda oo sii wada ku takri falka awooddda.