Bankiga Adduunka oo soo saaray warbixin aysan ku farxeyn dowladda federaalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Saboolnimada dadka faqriga ah ee Soomaaliya ayaa sii korortay ayada oo weeraro argagixiso ay halis geliyeen dowladda, islamarkaana xaddidayaan awoodda ay ku fulin karo siyaasado horumarin oo wax ku ool ah, waxaa sidaas shaaciyey Bankiga Adduunka.

War-saxaafadeed uu soo saaray ayuu bankiga ku sheegay in cuntadii ay heli jireen qoysaska ay saameeyeen weerarada argagixiso ay hoos u dhacday 33%.

“Taasi waxay dhalisay in saboolnimada iyo heerka saboolnimada ee dadka faqriga ah ay kordhaan. Hoos u dhaca cunnada ay heli jireen qoysaska waxaa ugu wacan ayada oo ay yaraadeen dadkii qoysaska u xoogsan jiray kadib markii ay saameeyeen weeraro,” ayaa lagu yiri bayaanka.

“Helista nabad waa tallaabada koowaad ee aas-aasiga u ah in sare loo qaado xaaladaha fayoqab, taasi waxay sidoo kale u faa’iideyn doontaa Soomaaliya oo idil,” ayuu yiri Bankiga Adduunka.

Soomaaliya waa mid ka mid ah dalalka ugu saboolsan Afrika, waxayna weli wajaheysaa caqabado ka dhigaya “dal aad u nugul,” sida ay sheegtay warbixinta.

QM ayaa ka digtay inay sare usii kaceyso xasillooni darrada dalka, waxayna warbixin sanadeed ay soo saartay ku sheegtay inay kordheen weerarada ay gaysanayaan Al-Shabaab iyo Daacish. 

Warbixinta QM ee Soomaaliya ayaa sheegtay in 1,518 qof ay khasaare kasoo gaareen weerarada argagixisada ee sanadkii 2018, kuwaasi oo 651 ka mid ah dhinteen halka 867 ay dhaawacmeen.

Sidoo kale sanadkii 2019, khasaaraha ayaa ahaa 1,459, oo 591 ay yihiin dhimasho halka 868 ay dhaawacmeen. 

Muddadaas ayaa waxaa dalka hoggaaminayey madaxweyne Farmaajo, hase yeeshee waxaa hadda Soomaaliya taladadeeda la wareegay madaxweyne Xasan Sheekh oo la doortay 15-kii May 2022.

Madaxweynaha cusub ayaa sameeyey ballan-qaadyo dhowr ah oo ay ka mid yihiin inuu ka adkaan doono Al-Shabaab. Hase yeeshee, ku dhowaad afar bil oo uu xilka hayo, dowladdu ma aysan qaadin wax tallaabo ah oo la taaban karo.