Ikraan Tahliil ma waxay u gacan gashay Al-Shabaab?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ikraan Tahliil Faarax oo mudd ka badan labo bil la la’yahay ayaa waxaa la shaaciyey inay u gacan gashay kooxda argagixisada ee Al-Shabaab, sida ay sheegen saraakiil amni oo la hadlay VOA.

Barnaamijka Bandhigga VOA oo toddobaadkan si gaar ah diirada loogu saaray kiiska Ikraan Tahliil ayaa waxaa lagu shaaciyey in Al-Shabaab ay u wateen Ikraan Tahliil gobolka Jubada Hoose, gaar ahaan Dhoobley.

Sidoo kale waxaa shaki weyn laga muujiyey in Ikraan ay nooshahay, ayada oo ilo wareedyo kala duwan ay sheegayaan inaysan xiligaan nooleyn, inkasta oo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in xubno ka tirsan NISA ay shirqooleen Ikraan, islamarkaana u gacan geliyeen Al-Shabaab. Ma cadda weli haddii NISA ay ogaatay xubnahaas, iyo tallaabada laga qaaday haddii la aqoonsaday.

Dhanka kale, Hooyada dhashay Ikraan oo la hadashay Barnaamijka Bandhiga VOA-da ayaa u sheegtay inaysan aaminsaneyn in Al-Shabaab ay wateen inanteeda Ikraan Tahliil, inkasta oo sidaas ay u sheegeen saraakiil.

Waxay weli ku adkeysaneysaa inay ku maqan tahay gacanta taliska NISA, oo ay hore u qabteen Camerada ayada oo raaceysa gaari laga leeyahay taliska NISA.

Xogtaan ayaa kor u sii qaadeysa walaaca laga muujinayo in Al-Shabaab ay si weyn ugu dhex milmatay hay’addaha dowladda, maadama gabadha lagu watay gaari ka diiwaan gashanaa hay’add kamid ah kuwa dowladda.