26.8 C
Mogadishu
Thursday, January 22, 2026

Ilhaan Cumar: Haddii kiiska Minnesota la caddeeyo, waxa ay ka dhigan tahay in FBI-da…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) — Xildhibaanad Ilhan Cumar ayaa beenisay eedeymo sheegaya in lacagihii sida musuqmaasuqa ah looga lunsaday barnaamijkii gargaarka raashinka ee gobolka Minnesota loo adeegsaday maalgelinta kooxda Al-Shabaab, ayada oo sheegtay in haddii la xaqiijiyo xiriirkaas, ay ka dhigan tahay fashil weyn oo ku yimid hay’adaha sirdoonka iyo garsoorka Mareykanka.

Wareysi ay Axaddii siisay barnaamijka “Face the Nation” ee telefishinka CBS, ayay mudanahan ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga ku sheegtay inay “kalsooni weyn ku qabto” in eedeynta Soomaalida Minnesota la xiriirinaysa argagixisada ay tahay mid been abuur ah, balse ay taageersan tahay in Waaxda Maaliyadda iyo Koongareesku ay sameeyaan baaritaan qoto dheer.

“Haddii ay jirto wax xiriir ah oo ka dhexeeya lacagta la xaday iyo maalgelinta argagixisada, taasi waa fashil dusha ka saaran hay’adda FBI-da iyo nidaamkeenna garsoorka oo ku guuldarreystay inay arrintaas soo saaraan,” ayay tiri Ilhan.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli Xisbiga Jamhuuriga iyo warbaahinta muxaafidka ahi ay buunbuuninayaan in lacagaha laga lunsaday mashruucii quudinta ee xilligii COVID-19 ay suuragal tahay inay gacanta u galeen Al-Shabaab, iyo xilli Madaxweyne Donald Trump uu kordhiyay weerarrada afka ah ee uu ku beegsanayo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota.

Xuddunta xiisaddan ayaa ah hay’adda samafalka ee haatan albaabada loo laabay ee Feeding Our Future, taas oo dacwad-oogayaasha federaalku ku eedeeyeen inay hoggaaminaysay mid kamid ah dhacdooyinkii ugu weynaa ee lunsashada hantida dadweynaha intii lagu guda jiray xilligii COVID-19.

Sanadkii 2022, xeer-ilaalinta ayaa dacwado kusoo oogtay 47 qof oo lala xiriirinayo shabakad la sheegay inay lunsatay $250 milyan—lacagtaas oo markii dambe gaartay ku dhawaad $300 milyan—taas oo loogu talo-galay in lagu quudiyo carruur, balse aan marnaba gaarin. 

Xogta FBI-da iyo eedeymaha Waaxda Caddaaladda ayaa muujinaya in lacagtaas lagu iibsaday gawaari raaxo, guryo, iyo hanti ma-guurto ah oo dalka dibaddiisa laga sameystay. 

Dhowr qof oo kamid ah eedaysanayaasha ayaa lagu riday xukuno xabsi oo dhaadheer, oo qaarkood gaarayaan 28 sano. Ilaa hadda, ma jirto wax eedeyn rasmi ah oo ku jirta faylasha maxkamadda oo tilmaamaya in lacagtaas loo adeegsaday maalgelinta argagixisada.

Xoghayaha Maaliyadda, Scott Bessent, ayaa barnaamijka “Face the Nation” u sheegay in waaxdiisu ay haatan raad-raacayso lacagaha ka baxay Minnesota ee aaday “Bariga Dhexe iyo Soomaaliya” si loo ogaado halka rasmiga ah ee ay ku dambeeyeen, tallaabadaas oo timid kadib culeys kaga yimid sharci-dejiyayaasha oo dalbanaya in la baaro xiriir kasta oo suurtagal ah oo la la xiriirin karo Al-Shabaab.

Isla markaana, Guddiga Kormeerka ee Aqalka Wakiillada, oo ay hoggaamiyaan Jamhuuriga, ayaa furay baaritaan ka dhan ah Guddoomiyaha Gobolka Minnesota, Tim Walz (D), iyagoo ku eedeynaya maamulkiisa dayacaad iyo inuu iska indho-tiray calaamadihii digniinta ahaa ee musuqmaasuqa.

Trump ayaa marar badan ku tilmaamay Minnesota “xarunta lacagaha la dhaqo iyo musuq-maasuqa,” isagoo soo-galootiga Soomaaliyeed ku sifeeyay “qashin” iyo dad “aan waxba soo kordhin balse catow uun yaqaanna.”

Ilhan Cumar, oo ku dhalatay Soomaaliya kuna timid Mareykanka qaxootinimo, ayaa hadalladaas ku tilmaamtay kuwo “lagu yaqyaqsoodo” oo “dadnimada ka-baxsan,” iyadoo ka digtay inay dhiirrigelin karaan rabshado kaga yimaada taageerayaasha u arka hadalladaas fasax ay wax ku weeraraan.

“Dadkan uu qashinka ugu yeerayo waa Mareykan,” ayay tiri Ilhan, iyadoo Madaxweynaha ku eedeysay inuu qabo “waalli iyo naceyb gaar ah” oo uu u hayo iyada iyo Soomaalida Mareykanka ah.

Gobolka Minnesota ayaa hoy u ah jaaliyadda ugu weyn ee Soomaalida Mareykanka, iyadoo tobanaan kun oo qof ay ku nool yihiin agagaarka magaalooyinka Minneapolis iyo St. Paul. Qiyaasaha tirakoobka ayaa muujinaya in badankoodu yihiin muwaadiniin Mareykan ah.

Ilhan ayaa carrabka ku adkeysay in Soomaalida Minnesota ay yihiin “canshuur-bixiyeyaal” isla markaana ay yihiin dhibanayaal, maadaama lacagtii loogu talo-galay in lagu caawiyo carruurta iyo qoysaska danta yar laga xaday barnaamijyo ay bulshada inteeda kale ka faa’iideysato.

“Waxaan rabnaa isla-xisaabtan dhab ah,” ayay tiri Ilhan. “Balse ma doonayno in bulshadeenna loo maxaabiyo dambiyo ay galeen shakhsiyaad kooban.”

- Advertisement -

Read more

Local News