Ilhaan Cumar oo jawaab ka bixisay hadalkii Jackson

Washington DC (Caasimada Online) – Congresswoman Ilhaan Cumar oo dhawaan loo doortay aqalka Congress-ka dalka Mareykanka ayaa jawaab kulul u dirtay siyaasiga muxaafidka ah ee lagu magacaabo Earl Walker Jackson oo hadal cunsurinimo ah kusoo dhaweeyay ku biiritaanka haweenka muslimka ah ee Congress-ka dalkaasi.

Jackson ayaa kol sii horeysay sheegay in aqalka Congress-ka dalkaasi Mareykanka uu yeelan doono muuqaal ka duwan midkii lagu yaqaanay, maadama sida uu sheegay haweenka Muslimka ah ee loo doortay aqalkaasi ay durbadiiba bilaabeyn in ay u dhaq dhaqaaqaan sida ay wax kaga badeli lahaayeen xeer hoosaadka xijaabka ka xayiraya haweenka aqalka Congresska kusoo biira.

Waxa uu si gaar ah Ilhaan Cumar ugu edeeyay in ay iyadu dabada ka riixeyso in isbadalkaasi uu ku imaado aqalka Congress-ka dalkaasi.

“Waxa uu aqalka u ekaan doonaa congress dal Islaam ah uu leeyahay waayoo muuqaalka guud ayaa is bedeli doono waana wax Mareykanka qiimahiisa bedeli doono” ayuu sheegay  Earl Walker Jackson.

Ilhaan Cumar oo ka duulaysa hadalkaasi cunsurinimada ku dheehantahay ayaa sheegtay in qiiyimka Mareykanka uusan waxba iska bedeli doonin, hadii uu is badelaayana uu noqon doono mid wanaagsan.

Haweeneydaan asal ahaanta Soomaaliga ah ee laga soo doortay degmada Shanaad ee Minnesota ayaa dadaal dheer ku bixinaysa wax ka bedelka xeer hoosaadka u yaalla aqalka Congress-ka Mareykanka si loogu ogolaado in ay soo hagoogato oo ay timaheeda soo daboolato marka ay soo xaadirayso kullamada aqalkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
Caasimada@live.com