Ilhaan Cumar oo la xiray

Washington (Caasimada Online) – Ilhan Omar iyo 16 xubnood oo kale oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa la xiray xilli ay Maxkamadda Sare ee Mareykanka ee Washington ka hordhigayeen dibadbax lagu taageerayey xuquuqda ay haweenka u leeyihiin inay ilmaha iska soo ridaan.

Booliska Capitol ayaa qoraal ay soo dhigeen twitter-ka ku sheegay in dibad-baxayaasha ay xannibeen isu-socodka baabuurta ee waddo ku dhow Maxkamadda Sare, islamarkaana la siiyey saddex diginin kahor inta aan la xirin.

 “Waxaan sameynay 35 xiritaan oo la xiriira isu soobax, xannibaad ama arbushaad,” ayey booliska ku yiraahdeen qoraalkooda. “tiradaas waxaa ku jira 17 xubnood oo ka tirsan Congress-ka.”

Dibadbaxa ayaa yimid saddex toddobaad kadib markii Maxkamadda Sare ay gaartay go’aan lagu baabi’iyey xukunkii 1973-kii ee taariikhiga ahaa ee loogu magac daray Roe v. Wade, kaasi oo haweenka u damaanad qaadayey inay ilmaha iska soo ridi karaan.

“Maanta waxaa la i xiray aniga oo saaxiibadeeda kale ee Congress-ka kala ka qeyb-qaadanaya gadood shacab oo aan kahor dhignay Maxkamadda Sare,” ayey Ilhan oo laga soo doorto Minnesota ku tiri qoraal ay soo dhigtay twitter-ka.

“Waxaan sii wadi doonaa wax kasta oo awooddeeda ah si aan u kiciyo dareenka ku aadan weerarka lagu hayo xuquuqdeena taranka,” ayey tiri Ilhan.

Xildhibaan Carolyn Maloney oo laga soo doorto New York oo sidoo kale la xiray ayaa soo saartay bayaan ay ku tiri “Ma jirto dimoqraadiyad haddii haweenka aysan maamuli karin jirkooda iyo go’aanada ku saabsan caafimaadkooda, oo ay ku jirto daryeelka taranka.”

“Xisbiga Jamhuuriga iyo xagjiriinta garabka midig ee ka dambeeya go’aankan ma ahan kuwa taageera nolosha, balse waa kuwa taageera in la maamulo haweenka jirkooda, gabdhaha iyo qof kasta oo uur yeesha.”

Muuqaallo laga soo duubay dibad-baxa ayaa sidoo kale muujiyey Ilhan iyo Alexandria Ocasio-Cortez oo lasii wado balse aan la jeebayn.

Ilhan Omar iyo xildhibaanada kale ayaa markii dambe lasii daayey.