Madaxtooyada oo war kasoo saartay lacagta la sheegay in loo haysto askarta Eritrea

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Madxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha madaxtooyada ayaa markii u horeysay si faah-faahsan uga hadlay ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan Eritrea.

Afhayeenka ayaa meesha ka saaray inay jirto madax furasho loo haysto ciidamadaas, si dalka dib loogu soo celiyo, xili uu dhawaan booqday madaxweynaha dalka, Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waa waxba kama jiraan warkaas, ma jirto lacag loo heysto ciidamada tababarka ku dhameystay Eritrea, Soomaaliya waxaa ciidamo u tababaro wadamo badan oo ay kamid yihiin Turkiga, Itoobiya iyo Eritrea. Ma jirto hal wadan oo lacag ku qaato inuu ciidamada Soomaalida tababar siiyo” ayuu yiri Cabdikariin Cali Kaar.

Ciidamada tababarka loo geeyay Eritrea ayaa muddooyinkii dambe waxaa kasoo baxayay warar kala duwan, kuwaasi oo badankooda ka dhashay qarinta xogta ciidamadaasi, ayada oo markii u horeysay ee ciidamada xog rasmi ah laga helay aheyd kadib booqashadii madaxweyne Xasan Sheekh.

Tan iyo markii uu booqasho ugu tagay madaxweyne Xasan Sheekh waxay waalidiintooda dib u heleen xiriirka askartaas, ayada oo madaxweynaha uu bixiyey lacag loogu talo-galay inay askartaasi ay u adeegsadaan telefoonada iyo la xiriirka qoysaskooda.

Si kastaba, arrinta tuhunka weyn abuurtay ayaa aheyd maadama aysan jirin waqti cayiman oo loo qabtay ciidamaasi si dalka dib loogu soo celiyo, islamarkaana ay muuqato in tallaabadaas aysan hadda deg-deg ahayn oo waqti iyo kharash u baahan tahay ama ay jiraan arrimo kale oo xalin u baahan.