Ilhaan Cumar oo mar kale weerar ku qaaday Trump

Washington (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Congress-ka Mareykanka ayaa markale weerarka afka ah ku qaaday madaxweynaha dalkaasi ee laga guuleystay Donald Trump, iyada oo ku eedeysay rabshadihii u dambeeyey ee dhacay.

Ilhaan Cumar ayaa shaaca ka qaaday in Trump uu geystay dambiyo badan muddada uu uu joogay xafiiska, sidoo kalena uu dhiiro-geliyey weerarkii dhismaha Capitol.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku sii dartay in Trump uu halis ku yahay dadka iyo dowladda Mareykanka, sida ay hadalkau dhigtay.

“Dembiyo badan ayaa lagu heystaa, laakiin kulligood waxay isugu imaanayaan in madaxweynaha uu la shaqeeyay uuna dhiirrigeliyay in dowladda la soo weeraro, inay ku dhintaan dad badan, inay noqotay in saacado dhan lala wareego US Capitol. Waxaan aaminsannahay madaxweynaha inuu halis ku yahay dadka iyo dowladda,” ayey tiri.

Ilhaan Cumar oo hadalkeeda sii wadata ayaa xustay in xisbiga Dimuqraaddiga uu la imaan doono is-bedal xoogan oo nolol & horumar u horseedi doono dadka oo dhan.

“Rajadeenna way weyn tahay, Xisbiga Dimuqraaddiga keliya madaxweyne ma helayaan oo baarlamaanka guud ahaan annaga ayaa maamuli doonno, marka waxaan aaminsannahay in nolosha Soomaalida keliya maahee ee dadkoo dhan inay ay isbeddel ka dareemi doonaan. Waxaan rajeyneynaa in shaqo abuuris aan ka shaqyen doonno, in waaxda socdaalka sidii ay u shaqeyn jireen iyo si ka fiican ay u shaqeyn doonaan,”.

Si kastaba hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo maanta la filayo in Aqalka Wakiilada Mareykanka uu ka doodo xilka qaadista Trump oo loo heystaa rabshadihii dhacay.