Itoobiya iyo Suudaan oo isu ciidamo aruursanaya iyo dagaal laga cabsi qabo

Khartoum (Caasimadda Online) – Xuduudda u dhaxeysa dowladaha Itoobiya iyo Sudan ayaa laga soo sheegayaa iney ka jirto saan-saan colaadeed maadaama warbaahinta maxaliga ah ee wadanka Sudan ay baahiyeen in labada dowladood ay ciidamo hor leh halkaas geeyeen.

Mid ka mid ah wargeysyada ugu afka dheer leh dalka Sudan oo xiganaya ilo wareedyo uu ku kalsoon yahay ayaa sheegay in Itoobiya ay kumanaan askari geysay xuduudka labada dal iyadoo laga cabsi qabo inuu dhaco dagaal labada dowladood u dhaxeeya.

Wararka la helayo waxey sheegayaan in alfashqah oo ah aag ay dhawaan xoog ku qabsadeen ciidamada Sudan lagu arkay diyaarado dagaal oo ay leeyahiin Itoobiya oo ku gaaf wareegaya.

Gobolka xuduudda dhaca waxaa dagan amxaarada, waxaana la sheegay in shan dumar ah oo reer Sudan ah weerar dhuumasho ah lagu dilay inta lagu jiro bishaan, taasna ay sare u qaadeyso cabsida dagaal ee la filan karo.

Dowladda dhawaan talada la wareegtay ee Sudan ayaa ciidamo badan geysay labada gobol ee xuduudka la leh Eritrea iyo Ethiopia ee Alqadaarif iyo alkasalaha.

Dhulka ay militariga Sudan qabsadeen bishii lasoo dhaafay waa dhul xagga dhaqaalaha kaalin weyn ugu jiray ismaamulka amxaarada waxeyna xukuumadda ku cadaadinayaan in dhulkaas dib loo soo celiyo.