Sarkaal ka tirsan Al-Shabab iyo dagaal-yahano uu wato oo ku biiray kooxda Daacish

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sarkaal ka tirsanaa dagaalyahanada Al-Shabaab oo ay wehliyaan 20 dagaalyahan kale ayaa ku biiray kooxda Daacish ee Soomaaliya.

Sida la baahiyay sarkaalkaan waxaa magaciisa lagu sheegay Cabdulfatah Abu bakar Abdi oo loo garan ogyahay Mousa al Muhajir.

Inkastoo aan la ogeyn sababta xiligaan kusoo beegtay inuu ku biiro kooxda ugubka ku ah Soomaaliya, hadana sida ay xogo sirdoon shaaciyeen wuxuu ahaa sarkaal aad caan uga ah Al-Shabaab dhexdeeda.

Xogaha la baahiyay waxaa ka mid ah in sarkaalkaan uu muran xoogan ka dhex dhaliyay kooxda uu ku biiray, wuxuuna Al-Shabaab u qaabilsanaa bartamaha iyo waqooyiga Soomaaliya.

Dhawaan ayey aheyd markii kooxda ISIS ay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana la xasusutaa iney dhawr jeer ku dagaalameen labada kooxood qeybo ka mid ah gobolada dhexe ee Soomaaliya.