Ilhaan Cumar oo guul weyn doorasho xalay dhacday

Washington (Caasimada Online) – Senator Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Congress-ka dalka Mareykanka ayaa markale wacdaro ka dhigtay doorashada isreeb-reebka kursiga ay haatan ugu tartameyso xisbiga Dimuquraadiga ee ka dhisan waddanka Mareykanka.

Ilhaan oo markale u tartameysa kursiga ay ku fadhido ee Congress-ka ayaa tartan adag la gashay musharax kale oo kaga adkaatay doorasho ka dhacday xisbiga dhexdiisa.

Doorashadaan ayaa noqonaysa tii ugu adkeyd ee ay gasho, tan iyo intii ay billowday loolanka siyaasadda Mareykanka, ayadoo dhowr jeer laga soo doortay gobolka Minnesota.

Sidoo kale waxay Ilhaan Cumar doorashada dhexe weji doontaa musharax kale oo ka socda xisbiga Jamhuuriga, taas oo lagu ballansan yahay inay dhacdo bisha November ee 2022-ka.

Waxaa sidoo kale jira 3 musharrax oo kale oo Soomaali ah oo ku soo baxay doorashada horudhaca ee xisbiga Dimuqraadiga ee gobolka Minnesota, kaddib markii ay ka soo adkaadeen musharraxiintii kale ee la tartameysay, sida ay muujineyo natiijada doorashada.

Senator Cumar Faatax ayaa dib u helay kalsoonida xisbigiisa, Zainab Mohamed ayaa iyana ku soo baxday doorashadii kurisga Aqalka Sare ee Gobolka Minnesota, halka Samakaab Hussein uu isna ku guuleystay doorashada tartanka xildhibaan Aqalka Hoose ah.

Ilhaan iyo saddexda musharrax ee kale ee Soomaalida ee guuleystay ayaa haatan isku diyarinaya doorasho adag oo ay kaga hortegayaan xubnaha isbiga Jamhuuriga.

Si kastaba, Ilhaan Cumar oo asalkeedu yahay Soomaali ayaa si weyn uga dhex-muuqata siyaasadda Mareykanka waxaana lagu xasuustaa dagaalkii ay la gashay Trump & kooxdiisa.