Ilhaan Cumar oo shaacisay tallaabo adag oo laga qaadi doono gabadhii weerartay

Washington (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in afhayeenka Aqalka Nancy Pelosi ay tallaabo ka qaadi doonto Lauren Boebert kadib hadalladii Islaam naceybka ahaa ee ay ku weerartay.

Lauren Boebert ayaa Ilhaan Cumar ku qeexday inay xubin ka tahay “kooxda jihaadka,” waxayna intaas ku dartay inay ammaan tahay in lala raaco wiishka xarunta Congress-ka kaliya haddii aanay wadan boorsada dhabarka lagu qaato.

Boebert ayaa kadib ka cudur-daaratay hadalladaas, hase yeeshee wada-hadal ay taleefonka ku yeesheen ayada iyo Ilhaan ayaa caro ku dhammaaday kadib markii ay diiday inay fagaare ka cudur-daarato, islamarkaana dib is-qabato.

Dimoqraadiga ayaa kadib ku baaqay in Aqalka Wakiilada uu ka xayuubiyo Boebert xubinnimadeeda guddiyada qaar.  

“Waxaan wada-hadal la yeeshay afhayeenka, waxaana aad ugu kalsoonahay inay toddobaadka soo socda qaadi doonto tallaabo adag,” ayey Ilhaan Cumar u sheegtay barnaamijka “State of The Union” ee taleefishinka CNN.

“Markii ugu horreysay ee aan imid Congress-ka, waxaan ka walaacsanaa inaan la i dhaarin doonin sababo la xiriira mamnuuca saarnaa xijaabka. Waxay ii ballan-qaaday inay wax ka qaban doonto wayna kasoo baxday ballan-qaadkeeda. Hadda waxay ii sameysay ballan-qaad kale oo ah inay arrintan wax ka qaban doonto, waana aaminsanahay.”

Weli ma jiraan wax jawaab ah oo ay Pelosi iyo Boebert ka bixiyeen hadalka Ilhaan Cumar. 

Hoggaamiyaha Jamhuuriga ee Aqalka Wakiilada Kevin McCarthy ayaa difaacay Boebert toddobaadkii tegay, isaga oo sheegay inay si shaacsan iyo si gaar ah ugu cudur-daaratay Ilhaan.

Ilhaan ma aysan sheegin tallaabada ay qaadi doonto Pelosi. 

Ilhaan iyo Rashida Tlaib, oo asal ahaan ah Falastiini, ayaa ahaa labadii gabdhood ee ugu horreeyey ee Muslim ah ee loo doorto Aqalka Wakiilada Mareykanka

Tan iyo markii ay kusoo biireen Congress-ka ayaa waxay la kulmayeen weeraro Islaam naceyb ah oo uga imanaya warbaahinta midigta iyo siyaasiyiinta Jamhuuriga, oo uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump. 

Waxay naceybkan inta badan ku muteystaan inay dhaliilaan siyaasadda iyo dhibaatada ay Isarel ku hayso shacabka Falastiin. 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii