Senator iyo musharax xildhibaan oo si weyn loogu weeraray arrin uu sheegtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Ayuub Ismaaciil Yuusuf, oo ah musharax xildhibaan, ayaa weerar dhanka baraha bulshada ah kala kulmay kadib markii uu sheegtay “in uu dadaal badan ku bixiyey sidii dadka deegaankiisa ay xuquuqdooda siyaasadeed, iyo horumarineed uga heli lahaayeen dowladda federaalka.”

Musharax Ayuub Ismaciil Yuusuf oo ka tirsana Senator-da Aqalka Sare ee muddo xileedkooda uu dhamaaday ee kasoo jeeda gobolada Waqooyi, gaar ahaan gobolka Awdal ayaa xiligan u ordaya sidii u heli lahaa kursiga uu tirsigiisa yahay HOP215.

“Afarta sano ee aan xilka hayey waxaan dadaal badan ku bixiyey sidii dadka deegaankayga ee aan metelo ee reer Awdal ay xuquuqdooda siyaasadeed iyo horumarineed uga heli lahaayeen dowladda Federaalka, waxana ka shaqaynayey in codka dadkaygu uu gaaro meelaha lagu gaaro go’aamada,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, kaasi oo qeyb ka ah ololaha uu ugu jiro hanashada kursiga Golaha Shacabka.

Musharax Ayuub ayaa dhaleeceyn xoogan kala kulmay sheegashada ah in uu wax u qabtay gobolka uu metelo, kaasi oo kamid ah hal ku dhigyada uu ku ololeynayo.

“Markaad matalaad dhab ah aad ka shaqaynayso waa la yaqaana, tolna madan aqoon danbiga faraha badan iskadaa,” ayuu yiri mid kamid ah bulshada aragtiyada ka dhiibtay halku dhiga ololaha Ayuub ee ku sheegtay in dadka reer Awdal wax ugu qabtay.

“Ma awdal-shii aan aqaanay mise mid kala soo baxday oo wax u qabatay Astaqfurulah, kuwii joogay iyo kuwa soo socda midkoodna wax qaban maayaan.”

“Beenta kuma odhan karnee malaha isku awdal baynan sheegayn mudane.” – “Wax nooma qaban ee beenta naga daa,” ayey qaar kalena kaga fal-celiyeen sheegashada Ayuub.

Senator Ayuub ayaa si weyn u taageera hogaaminta madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana badana lagu eedeya in uu isku haleynayo garabka Farmaajo, oo uusan isku daalin inuu kasbado rabitaanka dadka uu metelo.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii