Ilwaad Elman oo weerar ku qaaday siyaasiyiinta dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilwad Elman oo ah gabar Soomaaliyeed oo la shaqeysa Qaramada Midoobay ayaa weerar ku qaaday siyaasiyiinta Soomaalida, oo ay ku dhaliishay inay doonayaan inay “ansixiyaan sharci ogolaanaya in loo galmoodo caruurta.”

Ilwad ayaa sheegtay inaysan jeclayn inay aragto Mas’uuliyiin Soomaali ah oo u dabaal degaysa maalinta caalamiga ah ee dhallinyarada, sababtuna ay tahay “inay doonayaan inay ka qaadaan caruurnimadooda.”

Qodobka 26-aad ee sharciga galmada ayaa ogolaanaya Guurka Da’yarta (Caruur), inkasta oo uu reebayo in isla markiiba lala aqal gali karo, ilaa qofka yari ka yeelanayo awood uu uga qeyb galo galmada, taasi oo looga feejignaanayo dhibaato caafimaad, sida lagu sheegay.

Isla qodobkaasi ayaa sidoo kale sheegaya ‘in marnaba la ogoleyn in loo galmoodo qof aan awood u laheyn, qofkii u galmoodana uu muteysan karo ciqaab ka waajibtay arrintaasi uu ku kacay’.

Ilwad Elman ayaa aaminsan in ansixinta qodobkaasi uu caruurta ka qaadayo xoriyadda iyo ciyaalnimadoodaba, maadama uu ogolaanayo guurkooda, inkasta oo uu reebayo in isla markaaba lala wadaago gogol caruurta, kadib marka lala aqal galo.

“Ma doonayo inaan arko mas’uuliyiin Soomaali ah oo ka qeyb qaadanaya khadka tooska ah si ay ugu dabaal-degaan maalinta caalamiga ah ee Da’yarta ee 12-bishan” ayey Ilwad ku tiri qoraal ay ku baahisay barteeda Twitter-ka.

Qoraal kale ayey sidoo kale ku tiri “Waxaan halkan ku magacaabayaa oo ku ceebeynayaa xildhibaanada taageeray sharciga galmada, islamarkaana burburiyey sharciga dambiyada galmada.”

Arrintan ayaa waxaa horey u diiday oo walaaca ka muujiyey Qaramada Midoobay iyo saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka, xili ay Xildhibaanada Golaha Shacabku ka hor yimaadeen ansixinta Ajendaha kulankii lagu soo bandhigayay akhrinta Koowaad ee Hindise sharciyeedka Dambiyada la xiriira galmada.